Surah An-Nazi'at in Soomaaliga
سورة النازعات · Verses: 46 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرۡقࣰا
Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada). (1) -
2
وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشۡطࣰا
Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta). (2) -
3
وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبۡحࣰا
Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin). (3) -
4
فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبۡقࣰا
Iyo tan u orotanta wanaagga. (4) -
5
فَٱلۡمُدَبِّرَٰتِ أَمۡرࣰا
Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe). (5) -
6
يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ
Maalinta ay gilgilan afuufka (hore). (6) -
7
تَتۡبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ
Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay). (7) -
8
قُلُوبࣱ يَوۡمَئِذࣲ وَاجِفَةٌ
Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan. (8) -
9
أَبۡصَٰرُهَا خَٰشِعَةࣱ
Araggeeduna wuu dullaysnaan. (9) -
10
يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرۡدُودُونَ فِي ٱلۡحَافِرَةِ
Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii). (10) -
11
أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمࣰا نَّخِرَةࣰ
Markaan noqonno Lafo duugoobay. (11) -
12
قَالُواْ تِلۡكَ إِذࣰا كَرَّةٌ خَاسِرَةࣱ
Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah. (12) -
13
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةࣱ وَٰحِدَةࣱ
Waa uun Hal Qaylo kaliya. (13) -
14
فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ
Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman. (14) -
15
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ
Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse. (15) -
16
إِذۡ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوًى
Markii Eebe uga yeedhay Toggii barakaysnaa ee Dhuwa. (16) -
17
ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ
Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye. (17) -
18
فَقُلۡ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ
Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid. (18) -
19
وَأَهۡدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخۡشَىٰ
Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid. (19) -
20
فَأَرَىٰهُ ٱلۡأٓيَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn. (20) -
21
فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ
Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon). (21) -
22
ثُمَّ أَدۡبَرَ يَسۡعَىٰ
Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda. (22) -
23
فَحَشَرَ فَنَادَىٰ
Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay. (23) -
24
فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلۡأَعۡلَىٰ
Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare. (24) -
25
فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلۡأٓخِرَةِ وَٱلۡأُولَىٰٓ
Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba. (25) -
26
إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةࣰ لِّمَن يَخۡشَىٰٓ
Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi. (26) -
27
ءَأَنتُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُۚ بَنَىٰهَا
Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay. (27) -
28
رَفَعَ سَمۡكَهَا فَسَوَّىٰهَا
Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna. (28) -
29
وَأَغۡطَشَ لَيۡلَهَا وَأَخۡرَجَ ضُحَىٰهَا
Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay). (29) -
30
وَٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ
Dhulkana markaas ka dib fidiyay. (30) -
31
أَخۡرَجَ مِنۡهَا مَآءَهَا وَمَرۡعَىٰهَا
Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay. (31) -
32
وَٱلۡجِبَالَ أَرۡسَىٰهَا
Buurahana sugay. (32) -
33
مَتَٰعࣰا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ
Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan. (33) -
34
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu). (34) -
35
يَوۡمَ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ
Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen. (35) -
36
وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ
Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki. (36) -
37
فَأَمَّا مَن طَغَىٰ
Ruuxiise xadgudba. (37) -
38
وَءَاثَرَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
Nolosha Adduunyana doorta. (38) -
39
فَإِنَّ ٱلۡجَحِيمَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ
Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo. (39) -
40
وَأَمَّا مَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفۡسَ عَنِ ٱلۡهَوَىٰ
Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun). (40) -
41
فَإِنَّ ٱلۡجَنَّةَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ
Wuxuu u dheelman Janno. (41) -
42
يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرۡسَىٰهَا
Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan. (42) -
43
فِيمَ أَنتَ مِن ذِكۡرَىٰهَآ
Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda. (43) -
44
إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ
Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu. (44) -
45
إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخۡشَىٰهَا
Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi. (45) -
46
كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَهَا لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا عَشِيَّةً أَوۡ ضُحَىٰهَا
Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) iyagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka). (46)