Surah 'Abasa in Soomaaliga
سورة عبس · Verses: 42 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ
Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu). (1) -
2
أَن جَآءَهُ ٱلۡأَعۡمَىٰ
Inuu u yimid kii Indhaha la'aa. (2) -
3
وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ
Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo. (3) -
4
أَوۡ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكۡرَىٰٓ
Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo. (4) -
5
أَمَّا مَنِ ٱسۡتَغۡنَىٰ
Ruuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada). (5) -
6
فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ
Ma; Adaa u bambixi. (6) -
7
وَمَا عَلَيۡكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ
Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. (7) -
8
وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسۡعَىٰ
Ruuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi. (8) -
9
وَهُوَ يَخۡشَىٰ
Oo Eeba ka yaabi. (9) -
10
فَأَنتَ عَنۡهُ تَلَهَّىٰ
Miyaad ka shuqloomi. (10) -
11
كَلَّآ إِنَّهَا تَذۡكِرَةࣱ
Saas ma; aha ee Aayadahani waa waano. (11) -
12
فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ
Ruuxii doonana wuu ku waana qaadan. (12) -
13
فِي صُحُفࣲ مُّكَرَّمَةࣲ
Waxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh. (13) -
14
مَّرۡفُوعَةࣲ مُّطَهَّرَةِۭ
Oo la kor yeelay lana Daahiriyay. (14) -
15
بِأَيۡدِي سَفَرَةࣲ
Oy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta). (15) -
16
كِرَامِۭ بَرَرَةࣲ
Sharafna leh oo baarri ah. (16) -
17
قُتِلَ ٱلۡإِنسَٰنُ مَآ أَكۡفَرَهُۥ
Gaalo halla lacnado Gaalnima badanaa. (17) -
18
مِنۡ أَيِّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥ
Muxuu Eebe ka abuuray kuwaas. (18) -
19
مِن نُّطۡفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ
Dhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay. (19) -
20
ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ
Jidkana wuu u fudaydiyay. (20) -
21
ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقۡبَرَهُۥ
Markaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa. (21) -
22
ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ
Markuu doonana wuu soo bixin. (22) -
23
كَلَّا لَمَّا يَقۡضِ مَآ أَمَرَهُۥ
Saas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin. (23) -
24
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ
Dadku ha fiiriyo Cuntadiisa. (24) -
25
أَنَّا صَبَبۡنَا ٱلۡمَآءَ صَبࣰّا
Inaan Roob ku soo shubno. (25) -
26
ثُمَّ شَقَقۡنَا ٱلۡأَرۡضَ شَقࣰّا
Dhulkana markaas aan jeexno. (26) -
27
فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا حَبࣰّا
Kana soo bixinno Midho. (27) -
28
وَعِنَبࣰا وَقَضۡبࣰا
Iyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha) (28) -
29
وَزَيۡتُونࣰا وَنَخۡلࣰا
Iyo Zeytuun iyo Timir. (29) -
30
وَحَدَآئِقَ غُلۡبࣰا
Iyo Beero waawayn. (30) -
31
وَفَٰكِهَةࣰ وَأَبࣰّا
Iyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq. (31) -
32
مَّتَٰعࣰا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ
Si aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu. (32) -
33
فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ
Markay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka). (33) -
34
يَوۡمَ يَفِرُّ ٱلۡمَرۡءُ مِنۡ أَخِيهِ
Waa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis. (34) -
35
وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ
Iyo Hooyadiis Iyo Aabihiis. (35) -
36
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ
Iyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii. (36) -
37
لِكُلِّ ٱمۡرِيࣲٕ مِّنۡهُمۡ يَوۡمَئِذࣲ شَأۡنࣱ يُغۡنِيهِ
Ruux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa. (37) -
38
وُجُوهࣱ يَوۡمَئِذࣲ مُّسۡفِرَةࣱ
Wajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi). (38) -
39
ضَاحِكَةࣱ مُّسۡتَبۡشِرَةࣱ
Wayna Qosli oy bishaaraysan. (39) -
40
وَوُجُوهࣱ يَوۡمَئِذٍ عَلَيۡهَا غَبَرَةࣱ
Wajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli. (40) -
41
تَرۡهَقُهَا قَتَرَةٌ
Waxaana dabooli Madow (iyo naxdin). (41) -
42
أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَفَرَةُ ٱلۡفَجَرَةُ
Kuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun). (42)