Surah At-Takwir in Soomaaliga
سورة التكوير · Verses: 29 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
إِذَا ٱلشَّمۡسُ كُوِّرَتۡ
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada). (1) -
2
وَإِذَا ٱلنُّجُومُ ٱنكَدَرَتۡ
Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow). (2) -
3
وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ سُيِّرَتۡ
Buurahana la kexeeyo (La rujiyo). (3) -
4
وَإِذَا ٱلۡعِشَارُ عُطِّلَتۡ
Geelii rimmanaana la halleeyo. (4) -
5
وَإِذَا ٱلۡوُحُوشُ حُشِرَتۡ
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed). (5) -
6
وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ سُجِّرَتۡ
Badahana la kululeeyo. (6) -
7
وَإِذَا ٱلنُّفُوسُ زُوِّجَتۡ
Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo. (7) -
8
وَإِذَا ٱلۡمَوۡءُۥدَةُ سُئِلَتۡ
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado. (8) -
9
بِأَيِّ ذَنۢبࣲ قُتِلَتۡ
Maxaa dambi ah oo loo dilay. (9) -
10
وَإِذَا ٱلصُّحُفُ نُشِرَتۡ
Kutubta (camalkana) la fidiyo. (10) -
11
وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ كُشِطَتۡ
Samadana la rujiyo. (11) -
12
وَإِذَا ٱلۡجَحِيمُ سُعِّرَتۡ
Naarta Jaxiimana la huriyo. (12) -
13
وَإِذَا ٱلۡجَنَّةُ أُزۡلِفَتۡ
Jannadana la dhaweeyo. (13) -
14
عَلِمَتۡ نَفۡسࣱ مَّآ أَحۡضَرَتۡ
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay. (14) -
15
فَلَآ أُقۡسِمُ بِٱلۡخُنَّسِ
(wuxuu eebe yidhi) Waxaan ku dhaartay Xiddigaha Qarsooma (Maalintii). (15) -
16
ٱلۡجَوَارِ ٱلۡكُنَّسِ
Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma. (16) -
17
وَٱلَّيۡلِ إِذَا عَسۡعَسَ
Iyo Habeenku markuu jeedsado. (17) -
18
وَٱلصُّبۡحِ إِذَا تَنَفَّسَ
Iyo subaxu markuu soo qaabilo. (18) -
19
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولࣲ كَرِيمࣲ
Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah. (19) -
20
ذِي قُوَّةٍ عِندَ ذِي ٱلۡعَرۡشِ مَكِينࣲ
Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh. (20) -
21
مُّطَاعࣲ ثَمَّ أَمِينࣲ
Laguna addeeco halkaas aaminna ah. (21) -
22
وَمَا صَاحِبُكُم بِمَجۡنُونࣲ
Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan. (22) -
23
وَلَقَدۡ رَءَاهُ بِٱلۡأُفُقِ ٱلۡمُبِينِ
Horaybuuna ugu arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka). (23) -
24
وَمَا هُوَ عَلَى ٱلۡغَيۡبِ بِضَنِينࣲ
Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan. (24) -
25
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَيۡطَٰنࣲ رَّجِيمࣲ
Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay. (25) -
26
فَأَيۡنَ تَذۡهَبُونَ
Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan. (26) -
27
إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرࣱ لِّلۡعَٰلَمِينَ
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano). (27) -
28
لِمَن شَآءَ مِنكُمۡ أَن يَسۡتَقِيمَ
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay). (28) -
29
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec. (29)