Surah Ad-Dukhan in Soomaaliga
سورة الدخان · Verses: 59 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
حمٓ
Waannu sheegnay iyadoo kale. (1) -
2
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
Waxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka). (2) -
3
إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةࣲ مُّبَٰرَكَةٍۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ
Anagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi. (3) -
4
فِيهَا يُفۡرَقُ كُلُّ أَمۡرٍ حَكِيمٍ
Habeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh. (4) -
5
أَمۡرࣰا مِّنۡ عِندِنَآۚ إِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ
Waana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo). (5) -
6
رَحۡمَةࣰ مِّن رَّبِّكَۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
Naxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og. (6) -
7
رَبِّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ
Waana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan. (7) -
8
لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Ilaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey. (8) -
9
بَلۡ هُمۡ فِي شَكࣲّ يَلۡعَبُونَ
Waxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari. (9) -
10
فَٱرۡتَقِبۡ يَوۡمَ تَأۡتِي ٱلسَّمَآءُ بِدُخَانࣲ مُّبِينࣲ
Ee sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan). (10) -
11
يَغۡشَى ٱلنَّاسَۖ هَٰذَا عَذَابٌ أَلِيمࣱ
Oo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran. (11) -
12
رَّبَّنَا ٱكۡشِفۡ عَنَّا ٱلۡعَذَابَ إِنَّا مُؤۡمِنُونَ
Waxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine. (12) -
13
أَنَّىٰ لَهُمُ ٱلذِّكۡرَىٰ وَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولࣱ مُّبِينࣱ
Goormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda». (13) -
14
ثُمَّ تَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ وَقَالُواْ مُعَلَّمࣱ مَّجۡنُونٌ
Markaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan. (14) -
15
إِنَّا كَاشِفُواْ ٱلۡعَذَابِ قَلِيلًاۚ إِنَّكُمۡ عَآئِدُونَ
Anagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta. (15) -
16
يَوۡمَ نَبۡطِشُ ٱلۡبَطۡشَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰٓ إِنَّا مُنتَقِمُونَ
Maalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan. (16) -
17
۞ وَلَقَدۡ فَتَنَّا قَبۡلَهُمۡ قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَ وَجَآءَهُمۡ رَسُولࣱ كَرِيمٌ
Dhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh. (17) -
18
أَنۡ أَدُّوٓاْ إِلَيَّ عِبَادَ ٱللَّهِۖ إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينࣱ
Isagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah. (18) -
19
وَأَن لَّا تَعۡلُواْ عَلَى ٱللَّهِۖ إِنِّيٓ ءَاتِيكُم بِسُلۡطَٰنࣲ مُّبِينࣲ
Hana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade. (19) -
20
وَإِنِّي عُذۡتُ بِرَبِّي وَرَبِّكُمۡ أَن تَرۡجُمُونِ
Waxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan. (20) -
21
وَإِن لَّمۡ تُؤۡمِنُواْ لِي فَٱعۡتَزِلُونِ
Ee hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya). (21) -
22
فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنَّ هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمࣱ مُّجۡرِمُونَ
wuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah. (22) -
23
فَأَسۡرِ بِعِبَادِي لَيۡلًا إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ
guuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye. (23) -
24
وَٱتۡرُكِ ٱلۡبَحۡرَ رَهۡوًاۖ إِنَّهُمۡ جُندࣱ مُّغۡرَقُونَ
kana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne. (24) -
25
كَمۡ تَرَكُواْ مِن جَنَّٰتࣲ وَعُيُونࣲ
imisey ka tageen Beero iyo Ilo. (25) -
26
وَزُرُوعࣲ وَمَقَامࣲ كَرِيمࣲ
iyo Tallaal iyo meel sharaf leh. (26) -
27
وَنَعۡمَةࣲ كَانُواْ فِيهَا فَٰكِهِينَ
iyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen. (27) -
28
كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا قَوۡمًا ءَاخَرِينَ
xaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale. (28) -
29
فَمَا بَكَتۡ عَلَيۡهِمُ ٱلسَّمَآءُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَا كَانُواْ مُنظَرِينَ
uma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin. (29) -
30
وَلَقَدۡ نَجَّيۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ مِنَ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡمُهِينِ
waana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya. (30) -
31
مِن فِرۡعَوۡنَۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَالِيࣰا مِّنَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah. (31) -
32
وَلَقَدِ ٱخۡتَرۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ عِلۡمٍ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
waxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og. (32) -
33
وَءَاتَيۡنَٰهُم مِّنَ ٱلۡأٓيَٰتِ مَا فِيهِ بَلَٰٓؤࣱاْ مُّبِينٌ
waxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay. (33) -
34
إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَيَقُولُونَ
kuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi. (34) -
35
إِنۡ هِيَ إِلَّا مَوۡتَتُنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُنشَرِينَ
arrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin. (35) -
36
فَأۡتُواْ بِـَٔابَآئِنَآ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
noo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan. (36) -
37
أَهُمۡ خَيۡرٌ أَمۡ قَوۡمُ تُبَّعࣲ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ مُجۡرِمِينَ
maiyagaa khayr roon mise qoomkii Tubac iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal. (37) -
38
وَمَا خَلَقۡنَا ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَمَا بَيۡنَهُمَا لَٰعِبِينَ
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar. (38) -
39
مَا خَلَقۡنَٰهُمَآ إِلَّا بِٱلۡحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
mana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga. (39) -
40
إِنَّ يَوۡمَ ٱلۡفَصۡلِ مِيقَٰتُهُمۡ أَجۡمَعِينَ
maalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan. (40) -
41
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي مَوۡلًى عَن مَّوۡلࣰى شَيۡـࣰٔا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
waana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn. (41) -
42
إِلَّا مَن رَّحِمَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ
cid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waa adkaade naxariistee. (42) -
43
إِنَّ شَجَرَتَ ٱلزَّقُّومِ
Geedka Zaquumka ah. (43) -
44
طَعَامُ ٱلۡأَثِيمِ
waa cunnada dambi badanaha. (44) -
45
كَٱلۡمُهۡلِ يَغۡلِي فِي ٱلۡبُطُونِ
waana Laami oo kale kuna kari Caloosha. (45) -
46
كَغَلۡيِ ٱلۡحَمِيمِ
sida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale. (46) -
47
خُذُوهُ فَٱعۡتِلُوهُ إِلَىٰ سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ
(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda. (47) -
48
ثُمَّ صُبُّواْ فَوۡقَ رَأۡسِهِۦ مِنۡ عَذَابِ ٱلۡحَمِيمِ
markaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul. (48) -
49
ذُقۡ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡكَرِيمُ
(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe. (49) -
50
إِنَّ هَٰذَا مَا كُنتُم بِهِۦ تَمۡتَرُونَ
kaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka). (50) -
51
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينࣲ
kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah. (51) -
52
فِي جَنَّٰتࣲ وَعُيُونࣲ
Jannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan). (52) -
53
يَلۡبَسُونَ مِن سُندُسࣲ وَإِسۡتَبۡرَقࣲ مُّتَقَٰبِلِينَ
waxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili. (53) -
54
كَذَٰلِكَ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينࣲ
saasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn. (54) -
55
يَدۡعُونَ فِيهَا بِكُلِّ فَٰكِهَةٍ ءَامِنِينَ
waxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah. (55) -
56
لَا يَذُوقُونَ فِيهَا ٱلۡمَوۡتَ إِلَّا ٱلۡمَوۡتَةَ ٱلۡأُولَىٰۖ وَوَقَىٰهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
mana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo. (56) -
57
فَضۡلࣰا مِّن رَّبِّكَۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
waana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn. (57) -
58
فَإِنَّمَا يَسَّرۡنَٰهُ بِلِسَانِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
waxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan. (58) -
59
فَٱرۡتَقِبۡ إِنَّهُم مُّرۡتَقِبُونَ
ee sug iyaguna way sugiye. (59)