Surah Al-Ghashiyah in Soomaaliga
سورة الغاشية · Verses: 26 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡغَٰشِيَةِ
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii. (1) -
2
وُجُوهࣱ يَوۡمَئِذٍ خَٰشِعَةٌ
Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan. (2) -
3
عَامِلَةࣱ نَّاصِبَةࣱ
Waxayna qaban Shaqo dhib ah. (3) -
4
تَصۡلَىٰ نَارًا حَامِيَةࣰ
Waxayna gali Naar kulul. (4) -
5
تُسۡقَىٰ مِنۡ عَيۡنٍ ءَانِيَةࣲ
Waxaana laga waraabin il kulayl daran. (5) -
6
لَّيۡسَ لَهُمۡ طَعَامٌ إِلَّا مِن ضَرِيعࣲ
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta). (6) -
7
لَّا يُسۡمِنُ وَلَا يُغۡنِي مِن جُوعࣲ
Taasoon waxna cayilinaynin Gaajana wax ka taraynin. (7) -
8
وُجُوهࣱ يَوۡمَئِذࣲ نَّاعِمَةࣱ
Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). (8) -
9
لِّسَعۡيِهَا رَاضِيَةࣱ
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii. (9) -
10
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةࣲ
Janno sarana way gali. (10) -
11
لَّا تَسۡمَعُ فِيهَا لَٰغِيَةࣰ
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro. (11) -
12
فِيهَا عَيۡنࣱ جَارِيَةࣱ
Waxaana ah dhexdeed il socota. (12) -
13
فِيهَا سُرُرࣱ مَّرۡفُوعَةࣱ
iyo Sariiro la koryeelay. (13) -
14
وَأَكۡوَابࣱ مَّوۡضُوعَةࣱ
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). (14) -
15
وَنَمَارِقُ مَصۡفُوفَةࣱ
Iyo Barkimooyin la safay. (15) -
16
وَزَرَابِيُّ مَبۡثُوثَةٌ
Iyo gogol la fidiyay. (16) -
17
أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى ٱلۡإِبِلِ كَيۡفَ خُلِقَتۡ
Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray. (17) -
18
وَإِلَى ٱلسَّمَآءِ كَيۡفَ رُفِعَتۡ
Iyo sida Samada loo koryeelay. (18) -
19
وَإِلَى ٱلۡجِبَالِ كَيۡفَ نُصِبَتۡ
Iyo sida Ruuraha loo taagay, (19) -
20
وَإِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَيۡفَ سُطِحَتۡ
Iyo sida dhulka loo fidiyay. (20) -
21
فَذَكِّرۡ إِنَّمَآ أَنتَ مُذَكِّرࣱ
Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow). (21) -
22
لَّسۡتَ عَلَيۡهِم بِمُصَيۡطِرٍ
Mana tihid mid xoog ku leh (qasab). (22) -
23
إِلَّا مَن تَوَلَّىٰ وَكَفَرَ
Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). (23) -
24
فَيُعَذِّبُهُ ٱللَّهُ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَكۡبَرَ
Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn. (24) -
25
إِنَّ إِلَيۡنَآ إِيَابَهُمۡ
Xagganagayna u soo noqon (khalqigu). (25) -
26
ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا حِسَابَهُم
Annagaana xisaabin. (26)