Surah Al-A'la in Soomaaliga
سورة الأعلى · Verses: 19 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
سَبِّحِ ٱسۡمَ رَبِّكَ ٱلۡأَعۡلَى
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya. (1) -
2
ٱلَّذِي خَلَقَ فَسَوَّىٰ
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna. (2) -
3
وَٱلَّذِي قَدَّرَ فَهَدَىٰ
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey. (3) -
4
وَٱلَّذِيٓ أَخۡرَجَ ٱلۡمَرۡعَىٰ
Eebaha soo bixiya Daaqa. (4) -
5
فَجَعَلَهُۥ غُثَآءً أَحۡوَىٰ
Kana dhiga markaas ka dib caws Engagagan oo Madow. (5) -
6
سَنُقۡرِئُكَ فَلَا تَنسَىٰٓ
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid. (6) -
7
إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ يَعۡلَمُ ٱلۡجَهۡرَ وَمَا يَخۡفَىٰ
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. (7) -
8
وَنُيَسِّرُكَ لِلۡيُسۡرَىٰ
Waxaana kuu fududaynaynaa Waddo fiican. (8) -
9
فَذَكِّرۡ إِن نَّفَعَتِ ٱلذِّكۡرَىٰ
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. (9) -
10
سَيَذَّكَّرُ مَن يَخۡشَىٰ
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (10) -
11
وَيَتَجَنَّبُهَا ٱلۡأَشۡقَى
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune. (11) -
12
ٱلَّذِي يَصۡلَى ٱلنَّارَ ٱلۡكُبۡرَىٰ
Ee ah mid gali Naar wayn. (12) -
13
ثُمَّ لَا يَمُوتُ فِيهَا وَلَا يَحۡيَىٰ
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn. (13) -
14
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن تَزَكَّىٰ
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda. (14) -
15
وَذَكَرَ ٱسۡمَ رَبِّهِۦ فَصَلَّىٰ
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada. (15) -
16
بَلۡ تُؤۡثِرُونَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw. (16) -
17
وَٱلۡأٓخِرَةُ خَيۡرࣱ وَأَبۡقَىٰٓ
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi). (17) -
18
إِنَّ هَٰذَا لَفِي ٱلصُّحُفِ ٱلۡأُولَىٰ
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore. (18) -
19
صُحُفِ إِبۡرَٰهِيمَ وَمُوسَىٰ
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse. (19)