Surah At-Tariq in Soomaaliga
سورة الطارق · Verses: 17 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
وَٱلسَّمَآءِ وَٱلطَّارِقِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura. (1) -
2
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلطَّارِقُ
Ma taqaan Xiddigga guura. (2) -
3
ٱلنَّجۡمُ ٱلثَّاقِبُ
Waa Xiddig ifa. (3) -
4
إِن كُلُّ نَفۡسࣲ لَّمَّا عَلَيۡهَا حَافِظࣱ
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag). (4) -
5
فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ مِمَّ خُلِقَ
Ee Dadku ha dayo waxa laga abuuray. (5) -
6
خُلِقَ مِن مَّآءࣲ دَافِقࣲ
Waxaa laga abuuray Biyo booda. (6) -
7
يَخۡرُجُ مِنۢ بَيۡنِ ٱلصُّلۡبِ وَٱلتَّرَآئِبِ
Kana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood. (7) -
8
إِنَّهُۥ عَلَىٰ رَجۡعِهِۦ لَقَادِرࣱ
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada). (8) -
9
يَوۡمَ تُبۡلَى ٱلسَّرَآئِرُ
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon. (9) -
10
فَمَا لَهُۥ مِن قُوَّةࣲ وَلَا نَاصِرࣲ
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna. (10) -
11
وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلرَّجۡعِ
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh. (11) -
12
وَٱلۡأَرۡضِ ذَاتِ ٱلصَّدۡعِ
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo). (12) -
13
إِنَّهُۥ لَقَوۡلࣱ فَصۡلࣱ
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta). (13) -
14
وَمَا هُوَ بِٱلۡهَزۡلِ
Ciyaarra ma aha (ee waa dhab). (14) -
15
إِنَّهُمۡ يَكِيدُونَ كَيۡدࣰا
Gaaladu waxbay dhakri. (15) -
16
وَأَكِيدُ كَيۡدࣰا
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin). (16) -
17
فَمَهِّلِ ٱلۡكَٰفِرِينَ أَمۡهِلۡهُمۡ رُوَيۡدَۢا
Ee u sug Gaalada wax yar. (17)