Surah Al-Haqqah in Soomaaliga
سورة الحاقة · Verses: 52 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
ٱلۡحَآقَّةُ
Maalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan). (1) -
2
مَا ٱلۡحَآقَّةُ
Xaaqo maxay tahay. (2) -
3
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحَآقَّةُ
inaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada. (3) -
4
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ وَعَادُۢ بِٱلۡقَارِعَةِ
Waxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada. (4) -
5
فَأَمَّا ثَمُودُ فَأُهۡلِكُواْ بِٱلطَّاغِيَةِ
Thamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran. (5) -
6
وَأَمَّا عَادࣱ فَأُهۡلِكُواْ بِرِيحࣲ صَرۡصَرٍ عَاتِيَةࣲ
Caadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow. (6) -
7
سَخَّرَهَا عَلَيۡهِمۡ سَبۡعَ لَيَالࣲ وَثَمَٰنِيَةَ أَيَّامٍ حُسُومࣰاۖ فَتَرَى ٱلۡقَوۡمَ فِيهَا صَرۡعَىٰ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٍ خَاوِيَةࣲ
o lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay). (7) -
8
فَهَلۡ تَرَىٰ لَهُم مِّنۢ بَاقِيَةࣲ
wax ka hadhay miyaad aragtaa. (8) -
9
وَجَآءَ فِرۡعَوۡنُ وَمَن قَبۡلَهُۥ وَٱلۡمُؤۡتَفِكَٰتُ بِٱلۡخَاطِئَةِ
Fircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi). (9) -
10
فَعَصَوۡاْ رَسُولَ رَبِّهِمۡ فَأَخَذَهُمۡ أَخۡذَةࣰ رَّابِيَةً
Waxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay. (10) -
11
إِنَّا لَمَّا طَغَا ٱلۡمَآءُ حَمَلۡنَٰكُمۡ فِي ٱلۡجَارِيَةِ
Markay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii. (11) -
12
لِنَجۡعَلَهَا لَكُمۡ تَذۡكِرَةࣰ وَتَعِيَهَآ أُذُنࣱ وَٰعِيَةࣱ
si aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha. (12) -
13
فَإِذَا نُفِخَ فِي ٱلصُّورِ نَفۡخَةࣱ وَٰحِدَةࣱ
Marka Suurka la afuufo hal mar. (13) -
14
وَحُمِلَتِ ٱلۡأَرۡضُ وَٱلۡجِبَالُ فَدُكَّتَا دَكَّةࣰ وَٰحِدَةࣰ
Dhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar. (14) -
15
فَيَوۡمَئِذࣲ وَقَعَتِ ٱلۡوَاقِعَةُ
Maalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa. (15) -
16
وَٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَهِيَ يَوۡمَئِذࣲ وَاهِيَةࣱ
Samaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan. (16) -
17
وَٱلۡمَلَكُ عَلَىٰٓ أَرۡجَآئِهَاۚ وَيَحۡمِلُ عَرۡشَ رَبِّكَ فَوۡقَهُمۡ يَوۡمَئِذࣲ ثَمَٰنِيَةࣱ
Malaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag. (17) -
18
يَوۡمَئِذࣲ تُعۡرَضُونَ لَا تَخۡفَىٰ مِنكُمۡ خَافِيَةࣱ
Maalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro. (18) -
19
فَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِيَمِينِهِۦ فَيَقُولُ هَآؤُمُ ٱقۡرَءُواْ كِتَٰبِيَهۡ
Ruuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga. (19) -
20
إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَٰقٍ حِسَابِيَهۡ
Waxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda. (20) -
21
فَهُوَ فِي عِيشَةࣲ رَّاضِيَةࣲ
wuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay. (21) -
22
فِي جَنَّةٍ عَالِيَةࣲ
Wuxuuna geli «Janno» sarreeysa. (22) -
23
قُطُوفُهَا دَانِيَةࣱ
Midhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran). (23) -
24
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَآ أَسۡلَفۡتُمۡ فِي ٱلۡأَيَّامِ ٱلۡخَالِيَةِ
Waxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii). (24) -
25
وَأَمَّا مَنۡ أُوتِيَ كِتَٰبَهُۥ بِشِمَالِهِۦ فَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُوتَ كِتَٰبِيَهۡ
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga. (25) -
26
وَلَمۡ أَدۡرِ مَا حِسَابِيَهۡ
Xisaabtaydana maanan ogaanin. (26) -
27
يَٰلَيۡتَهَا كَانَتِ ٱلۡقَاضِيَةَ
Magaacayba'ee maxaan u soo noolaaday. (27) -
28
مَآ أَغۡنَىٰ عَنِّي مَالِيَهۡۜ
Xoolahaygi wax iima tarin. (28) -
29
هَلَكَ عَنِّي سُلۡطَٰنِيَهۡ
Waxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii). (29) -
30
خُذُوهُ فَغُلُّوهُ
Waxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira. (30) -
31
ثُمَّ ٱلۡجَحِيمَ صَلُّوهُ
Naarta Jahannamada geliya. (31) -
32
ثُمَّ فِي سِلۡسِلَةࣲ ذَرۡعُهَا سَبۡعُونَ ذِرَاعࣰا فَٱسۡلُكُوهُ
Markaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah. (32) -
33
إِنَّهُۥ كَانَ لَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ ٱلۡعَظِيمِ
maxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn. (33) -
34
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلۡمِسۡكِينِ
aana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo. (34) -
35
فَلَيۡسَ لَهُ ٱلۡيَوۡمَ هَٰهُنَا حَمِيمࣱ
Maanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib. (35) -
36
وَلَا طَعَامٌ إِلَّا مِنۡ غِسۡلِينࣲ
Cuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka». (36) -
37
لَّا يَأۡكُلُهُۥٓ إِلَّا ٱلۡخَٰطِـُٔونَ
Cunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada). (37) -
38
فَلَآ أُقۡسِمُ بِمَا تُبۡصِرُونَ
Waxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah). (38) -
39
وَمَا لَا تُبۡصِرُونَ
iyo waxaydaan arkayninba. (39) -
40
إِنَّهُۥ لَقَوۡلُ رَسُولࣲ كَرِيمࣲ
ee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh. (40) -
41
وَمَا هُوَ بِقَوۡلِ شَاعِرࣲۚ قَلِيلࣰا مَّا تُؤۡمِنُونَ
Hadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa). (41) -
42
وَلَا بِقَوۡلِ كَاهِنࣲۚ قَلِيلࣰا مَّا تَذَكَّرُونَ
Hadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan. (42) -
43
تَنزِيلࣱ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka. (43) -
44
وَلَوۡ تَقَوَّلَ عَلَيۡنَا بَعۡضَ ٱلۡأَقَاوِيلِ
Hadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed). (44) -
45
لَأَخَذۡنَا مِنۡهُ بِٱلۡيَمِينِ
Waxaanu ku qaban gacan adag. (45) -
46
ثُمَّ لَقَطَعۡنَا مِنۡهُ ٱلۡوَتِينَ
Waxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha. (46) -
47
فَمَا مِنكُم مِّنۡ أَحَدٍ عَنۡهُ حَٰجِزِينَ
Ruux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro. (47) -
48
وَإِنَّهُۥ لَتَذۡكِرَةࣱ لِّلۡمُتَّقِينَ
Qur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada. (48) -
49
وَإِنَّا لَنَعۡلَمُ أَنَّ مِنكُم مُّكَذِّبِينَ
Waxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka). (49) -
50
وَإِنَّهُۥ لَحَسۡرَةٌ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
Qur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame). (50) -
51
وَإِنَّهُۥ لَحَقُّ ٱلۡيَقِينِ
Qur'aanka waa run dhab ah. (51) -
52
فَسَبِّحۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلۡعَظِيمِ
Ee Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn. (52)