Surah Al-Ma'arij in Soomaaliga
سورة المعارج · Verses: 44 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
سَأَلَ سَآئِلُۢ بِعَذَابࣲ وَاقِعࣲ
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo). (1) -
2
لِّلۡكَٰفِرِينَ لَيۡسَ لَهُۥ دَافِعࣱ
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro. (2) -
3
مِّنَ ٱللَّهِ ذِي ٱلۡمَعَارِجِ
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba. (3) -
4
تَعۡرُجُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمࣲ كَانَ مِقۡدَارُهُۥ خَمۡسِينَ أَلۡفَ سَنَةࣲ
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano. (4) -
5
فَٱصۡبِرۡ صَبۡرࣰا جَمِيلًا
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan. (5) -
6
إِنَّهُمۡ يَرَوۡنَهُۥ بَعِيدࣰا
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay. (6) -
7
وَنَرَىٰهُ قَرِيبࣰا
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawdahay. (7) -
8
يَوۡمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلۡمُهۡلِ
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale. (8) -
9
وَتَكُونُ ٱلۡجِبَالُ كَٱلۡعِهۡنِ
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale. (9) -
10
وَلَا يَسۡـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمࣰا
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin. (10) -
11
يُبَصَّرُونَهُمۡۚ يَوَدُّ ٱلۡمُجۡرِمُ لَوۡ يَفۡتَدِي مِنۡ عَذَابِ يَوۡمِئِذِۭ بِبَنِيهِ
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeclaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa. (11) -
12
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
Haweenaydiisa, Walaalkiis. (12) -
13
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِي تُـٔۡوِيهِ
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey. (13) -
14
وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعࣰا ثُمَّ يُنجِيهِ
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo. (14) -
15
كَلَّآۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli). (15) -
16
نَزَّاعَةࣰ لِّلشَّوَىٰ
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka). (16) -
17
تَدۡعُواْ مَنۡ أَدۡبَرَ وَتَوَلَّىٰ
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday. (17) -
18
وَجَمَعَ فَأَوۡعَىٰٓ
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin). (18) -
19
۞ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan. (19) -
20
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعࣰا
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa. (20) -
21
وَإِذَا مَسَّهُ ٱلۡخَيۡرُ مَنُوعًا
Hadduu khayr helana wuu reebaa. (21) -
22
إِلَّا ٱلۡمُصَلِّينَ
Marka laga reebo Muslimiinta tukata. (22) -
23
ٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ دَآئِمُونَ
Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima. (23) -
24
وَٱلَّذِينَ فِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقࣱّ مَّعۡلُومࣱ
Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya. (24) -
25
لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ
Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan. (25) -
26
وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ
Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta). (26) -
27
وَٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ
Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood. (27) -
28
إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمۡ غَيۡرُ مَأۡمُونࣲ
Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro. (28) -
29
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ
Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino. (29) -
30
إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ
Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo. (30) -
31
فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ
Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay. (31) -
32
وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ
Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya. (32) -
33
وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمۡ قَآئِمُونَ
Kuwa maraggooda si fiican u furay. (33) -
34
وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ يُحَافِظُونَ
Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra). (34) -
35
أُوْلَٰٓئِكَ فِي جَنَّٰتࣲ مُّكۡرَمُونَ
Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo. (35) -
36
فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قِبَلَكَ مُهۡطِعِينَ
Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin). (36) -
37
عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ
Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga. (37) -
38
أَيَطۡمَعُ كُلُّ ٱمۡرِيࣲٕ مِّنۡهُمۡ أَن يُدۡخَلَ جَنَّةَ نَعِيمࣲ
Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah In la geliyo Jannatu Naciima. (38) -
39
كَلَّآۖ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّمَّا يَعۡلَمُونَ
Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin. (39) -
40
فَلَآ أُقۡسِمُ بِرَبِّ ٱلۡمَشَٰرِقِ وَٱلۡمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ
Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa. (40) -
41
عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيۡرࣰا مِّنۡهُمۡ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ
Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan. (41) -
42
فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ
Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey. (42) -
43
يَوۡمَ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ سِرَاعࣰا كَأَنَّهُمۡ إِلَىٰ نُصُبࣲ يُوفِضُونَ
Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda). (43) -
44
خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةࣱۚ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمُ ٱلَّذِي كَانُواْ يُوعَدُونَ
Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda). (44)