ترجمة معاني سورة المرسلات باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﮑﮒ
ﮓ
Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro. (1)
آية رقم 2
ﮔﮕ
ﮖ
iyo Dabaysha sida daran u dhabata. (2)
آية رقم 3
ﮗﮘ
ﮙ
Iyo Dabaysha roobka kicisa. (3)
آية رقم 4
ﮚﮛ
ﮜ
Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa. (4)
آية رقم 5
ﮝﮞ
ﮟ
iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa. (5)
آية رقم 6
ﮠﮡﮢ
ﮣ
Si Dadka loo waaniyo looguna digo. (6)
آية رقم 7
ﮤﮥﮦ
ﮧ
Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici. (7)
آية رقم 8
ﮨﮩﮪ
ﮫ
Markase xiddiguhu Nuurku ka tago. (8)
آية رقم 9
ﮬﮭﮮ
ﮯ
Oo samadu Dildillaacdo. (9)
آية رقم 10
ﮰﮱﯓ
ﯔ
Oo Buuraha la Rujiyo. (10)
آية رقم 11
ﯕﯖﯗ
ﯘ
Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii). (11)
آية رقم 12
ﯙﯚﯛ
ﯜ
Maalin wayn oo loo Qabtay Darteed. (12)
آية رقم 13
ﯝﯞ
ﯟ
In dadka la kala Bixiyo Dartiis. (13)
آية رقم 14
ﯠﯡﯢﯣﯤ
ﯥ
Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa. (14)
آية رقم 15
ﯦﯧﯨ
ﯩ
Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (15)
آية رقم 16
ﯪﯫﯬ
ﯭ
Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore. (16)
آية رقم 17
ﯮﯯﯰ
ﯱ
Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe. (17)
آية رقم 18
ﯲﯳﯴ
ﯵ
Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha. (18)
آية رقم 19
ﯶﯷﯸ
ﯹ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (19)
آية رقم 20
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar. (20)
آية رقم 21
ﭗﭘﭙﭚ
ﭛ
Markaasna yeellay meel ilaashan. (21)
آية رقم 22
ﭜﭝﭞ
ﭟ
Tan iyo Muddo la yaqaanno. (22)
آية رقم 23
ﭠﭡﭢ
ﭣ
Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican. (23)
آية رقم 24
ﭤﭥﭦ
ﭧ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (24)
آية رقم 25
ﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade. (25)
آية رقم 26
ﭭﭮ
ﭯ
Nolol iyo Geeriba. (26)
آية رقم 27
Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan. (27)
آية رقم 28
ﭸﭹﭺ
ﭻ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (28)
آية رقم 29
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen. (29)
آية رقم 30
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah. (30)
آية رقم 31
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn. (31)
آية رقم 32
ﮑﮒﮓﮔ
ﮕ
Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar. (32)
آية رقم 33
ﮖﮗﮘ
ﮙ
Ama aad Mooddo geel madaw ah. (33)
آية رقم 34
ﮚﮛﮜ
ﮝ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (34)
آية رقم 35
ﮞﮟﮠﮡ
ﮢ
Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku. (35)
آية رقم 36
ﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan. (36)
آية رقم 37
ﮨﮩﮪ
ﮫ
Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (37)
آية رقم 38
ﮬﮭﮮﮯﮰﮱ
ﯓ
Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba. (38)
آية رقم 39
ﯔﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra. (39)
آية رقم 40
ﯚﯛﯜ
ﯝ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (40)
آية رقم 41
ﯞﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo; (41)
آية رقم 42
ﯤﯥﯦ
ﯧ
(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan. (42)
آية رقم 43
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
ﯮ
Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis. (43)
آية رقم 44
ﯯﯰﯱﯲ
ﯳ
Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala. (44)
آية رقم 45
ﯴﯵﯶ
ﯷ
Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya. (45)
آية رقم 46
ﯸﯹﯺﯻﯼ
ﯽ
(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale; (46)
آية رقم 47
ﯾﯿﰀ
ﰁ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay. (47)
آية رقم 48
ﰂﰃﰄﰅﰆﰇ
ﰈ
Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan. (48)
آية رقم 49
ﰉﰊﰋ
ﰌ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya. (49)
آية رقم 50
ﰍﰎﰏﰐ
ﰑ
Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan. (50)
تقدم القراءة