ترجمة معاني سورة الغاشية باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﭽﭾﭿﮀ
ﮁ
Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii. (1)
آية رقم 2
ﮂﮃﮄ
ﮅ
Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan. (2)
آية رقم 3
ﮆﮇ
ﮈ
Waxayna qaban Shaqo dhib ah. (3)
آية رقم 4
ﮉﮊﮋ
ﮌ
Waxayna gali Naar kulul. (4)
آية رقم 5
ﮍﮎﮏﮐ
ﮑ
Waxaana laga waraabin il kulayl daran. (5)
آية رقم 6
ﮒﮓﮔﮕﮖﮗ
ﮘ
Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta). (6)
آية رقم 7
ﮙﮚﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Taasoon waxna cayilinaynin Gaajana wax ka taraynin. (7)
آية رقم 8
ﮠﮡﮢ
ﮣ
Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta). (8)
آية رقم 9
ﮤﮥ
ﮦ
Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii. (9)
آية رقم 10
ﮧﮨﮩ
ﮪ
Janno sarana way gali. (10)
آية رقم 11
ﮫﮬﮭﮮ
ﮯ
Kumana maqasho Jannada hadal macna darro. (11)
آية رقم 12
ﮰﮱﯓ
ﯔ
Waxaana ah dhexdeed il socota. (12)
آية رقم 13
ﯕﯖﯗ
ﯘ
iyo Sariiro la koryeelay. (13)
آية رقم 14
ﯙﯚ
ﯛ
Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha). (14)
آية رقم 15
ﯜﯝ
ﯞ
Iyo Barkimooyin la safay. (15)
آية رقم 16
ﯟﯠ
ﯡ
Iyo gogol la fidiyay. (16)
آية رقم 17
ﯢﯣﯤﯥﯦﯧ
ﯨ
Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray. (17)
آية رقم 18
ﯩﯪﯫﯬ
ﯭ
Iyo sida Samada loo koryeelay. (18)
آية رقم 19
ﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Iyo sida Ruuraha loo taagay, (19)
آية رقم 20
ﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Iyo sida dhulka loo fidiyay. (20)
آية رقم 21
ﯸﯹﯺﯻ
ﯼ
Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow). (21)
آية رقم 22
ﯽﯾﯿ
ﰀ
Mana tihid mid xoog ku leh (qasab). (22)
آية رقم 23
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa). (23)
آية رقم 24
ﭖﭗﭘﭙ
ﭚ
Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn. (24)
آية رقم 25
ﭛﭜﭝ
ﭞ
Xagganagayna u soo noqon (khalqigu). (25)
آية رقم 26
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Annagaana xisaabin. (26)
تقدم القراءة