ترجمة معاني سورة التكوير باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﭙﭚﭛ
ﭜ
Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada). (1)
آية رقم 2
ﭝﭞﭟ
ﭠ
Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow). (2)
آية رقم 3
ﭡﭢﭣ
ﭤ
Buurahana la kexeeyo (La rujiyo). (3)
آية رقم 4
ﭥﭦﭧ
ﭨ
Geelii rimmanaana la halleeyo. (4)
آية رقم 5
ﭩﭪﭫ
ﭬ
Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed). (5)
آية رقم 6
ﭭﭮﭯ
ﭰ
Badahana la kululeeyo. (6)
آية رقم 7
ﭱﭲﭳ
ﭴ
Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo. (7)
آية رقم 8
ﭵﭶﭷ
ﭸ
Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado. (8)
آية رقم 9
ﭹﭺﭻ
ﭼ
Maxaa dambi ah oo loo dilay. (9)
آية رقم 10
ﭽﭾﭿ
ﮀ
Kutubta (camalkana) la fidiyo. (10)
آية رقم 11
ﮁﮂﮃ
ﮄ
Samadana la rujiyo. (11)
آية رقم 12
ﮅﮆﮇ
ﮈ
Naarta Jaxiimana la huriyo. (12)
آية رقم 13
ﮉﮊﮋ
ﮌ
Jannadana la dhaweeyo. (13)
آية رقم 14
ﮍﮎﮏﮐ
ﮑ
Waxay ogaan nafu waxay camal fashay. (14)
آية رقم 15
ﮒﮓﮔ
ﮕ
(wuxuu eebe yidhi) Waxaan ku dhaartay Xiddigaha Qarsooma (Maalintii). (15)
آية رقم 16
ﮖﮗ
ﮘ
Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma. (16)
آية رقم 17
ﮙﮚﮛ
ﮜ
Iyo Habeenku markuu jeedsado. (17)
آية رقم 18
ﮝﮞﮟ
ﮠ
Iyo subaxu markuu soo qaabilo. (18)
آية رقم 19
ﮡﮢﮣﮤ
ﮥ
Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah. (19)
آية رقم 20
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh. (20)
آية رقم 21
ﮭﮮﮯ
ﮰ
Laguna addeeco halkaas aaminna ah. (21)
آية رقم 22
ﮱﯓﯔ
ﯕ
Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan. (22)
آية رقم 23
ﯖﯗﯘﯙ
ﯚ
Horaybuuna ugu arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka). (23)
آية رقم 24
ﯛﯜﯝﯞﯟ
ﯠ
Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan. (24)
آية رقم 25
ﯡﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay. (25)
آية رقم 26
ﯧﯨ
ﯩ
Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan. (26)
آية رقم 27
ﯪﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano). (27)
آية رقم 28
ﯰﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay). (28)
آية رقم 29
Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec. (29)
تقدم القراءة