ترجمة معاني سورة الرحمن باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﭷ
ﭸ
(Eebaha) Raxmaan ah. (1)
آية رقم 2
ﭹﭺ
ﭻ
Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. (2)
آية رقم 3
ﭼﭽ
ﭾ
Dadkana wuu abuuray. (3)
آية رقم 4
ﭿﮀ
ﮁ
Wuxuuna baray dadka (Hadalka). (4)
آية رقم 5
ﮂﮃﮄ
ﮅ
Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab. (5)
آية رقم 6
ﮆﮇﮈ
ﮉ
Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis). (6)
آية رقم 7
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay. (7)
آية رقم 8
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Si aydaan uga gudbin Caddaaladda. (8)
آية رقم 9
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna. (9)
آية رقم 10
ﮛﮜﮝ
ﮞ
Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga. (10)
آية رقم 11
ﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiilo leh. (11)
آية رقم 12
ﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray. (12)
آية رقم 13
ﮪﮫﮬﮭ
ﮮ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow). (13)
آية رقم 14
ﮯﮰﮱﯓﯔ
ﯕ
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay (dheri) oo kale ah. (14)
آية رقم 15
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta. (15)
آية رقم 16
ﯝﯞﯟﯠ
ﯡ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (16)
آية رقم 17
ﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac. (17)
آية رقم 18
ﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (18)
آية رقم 19
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi. (19)
آية رقم 20
ﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan. (20)
آية رقم 21
ﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (21)
آية رقم 22
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Waxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar). (22)
آية رقم 23
ﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (23)
آية رقم 24
ﭩﭪﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Eebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah. (24)
آية رقم 25
ﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (25)
آية رقم 26
ﭵﭶﭷﭸ
ﭹ
Dhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi. (26)
آية رقم 27
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
ﮀ
Waxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh. (27)
آية رقم 28
ﮁﮂﮃﮄ
ﮅ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (28)
آية رقم 29
Waxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin. (29)
آية رقم 30
ﮒﮓﮔﮕ
ﮖ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (30)
آية رقم 31
ﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Waana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow. (31)
آية رقم 32
ﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (32)
آية رقم 33
Jinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada jihooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan. (33)
آية رقم 34
ﯔﯕﯖﯗ
ﯘ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (34)
آية رقم 35
Eebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan. (35)
آية رقم 36
ﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (36)
آية رقم 37
ﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
ﯭ
Markay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin). (37)
آية رقم 38
ﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (38)
آية رقم 39
Maalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro. (39)
آية رقم 40
ﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (40)
آية رقم 41
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
ﰇ
Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri). (41)
آية رقم 42
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan, (42)
آية رقم 43
ﭖﭗﭘﭙﭚﭛ
ﭜ
Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi). (43)
آية رقم 44
ﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda. (44)
آية رقم 45
ﭣﭤﭥﭦ
ﭧ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (45)
آية رقم 46
ﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno. (46)
آية رقم 47
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (47)
آية رقم 48
ﭳﭴ
ﭵ
Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo). (48)
آية رقم 49
ﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (49)
آية رقم 50
ﭻﭼﭽ
ﭾ
Waxaa laga helaa ilo socda. (50)
آية رقم 51
ﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (51)
آية رقم 52
ﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah). (52)
آية رقم 53
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (53)
آية رقم 54
Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin. (54)
آية رقم 55
ﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (55)
آية رقم 56
Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna. (56)
آية رقم 57
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (57)
آية رقم 58
ﮮﮯﮰ
ﮱ
Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh). (58)
آية رقم 59
ﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (59)
آية رقم 60
ﯘﯙﯚﯛﯜ
ﯝ
Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha. (60)
آية رقم 61
ﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (61)
آية رقم 62
ﯣﯤﯥ
ﯦ
Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale. (62)
آية رقم 63
ﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (63)
آية رقم 64
ﯬ
ﯭ
Waana Laba Jannoo madow (cagaaran). (64)
آية رقم 65
ﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan. (65)
آية رقم 66
ﯳﯴﯵ
ﯶ
Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan. (66)
آية رقم 67
ﯷﯸﯹﯺ
ﯻ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (67)
آية رقم 68
ﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Dhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan. (68)
آية رقم 69
ﰁﰂﰃﰄ
ﰅ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (69)
آية رقم 70
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Dhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan. (70)
آية رقم 71
ﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (71)
آية رقم 72
ﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Waa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga. (72)
آية رقم 73
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (73)
آية رقم 74
ﭤﭥﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Waa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna. (74)
آية رقم 75
ﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (75)
آية رقم 76
ﭰﭱﭲﭳﭴﭵ
ﭶ
Waxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan, (76)
آية رقم 77
ﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan. (77)
آية رقم 78
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Waxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh. (78)
تقدم القراءة