ترجمة معاني سورة الأعلى باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Waynee Magaca Eebe ee Sarreeya. (1)
آية رقم 2
ﮤﮥﮦ
ﮧ
Eebaha abuuray khalqiga ekeeyayna. (2)
آية رقم 3
ﮨﮩﮪ
ﮫ
Eebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey. (3)
آية رقم 4
ﮬﮭﮮ
ﮯ
Eebaha soo bixiya Daaqa. (4)
آية رقم 5
ﮰﮱﯓ
ﯔ
Kana dhiga markaas ka dib caws Engagagan oo Madow. (5)
آية رقم 6
ﯕﯖﯗ
ﯘ
Waxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid. (6)
آية رقم 7
Wuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba. (7)
آية رقم 8
ﯤﯥ
ﯦ
Waxaana kuu fududaynaynaa Waddo fiican. (8)
آية رقم 9
ﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. (9)
آية رقم 10
ﯬﯭﯮ
ﯯ
Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (10)
آية رقم 11
ﭑﭒ
ﭓ
Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune. (11)
آية رقم 12
ﭔﭕﭖﭗ
ﭘ
Ee ah mid gali Naar wayn. (12)
آية رقم 13
ﭙﭚﭛﭜﭝﭞ
ﭟ
Oon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn. (13)
آية رقم 14
ﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
Waxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda. (14)
آية رقم 15
ﭥﭦﭧﭨ
ﭩ
magaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada. (15)
آية رقم 16
ﭪﭫﭬﭭ
ﭮ
Saas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw. (16)
آية رقم 17
ﭯﭰﭱ
ﭲ
Aakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi). (17)
آية رقم 18
ﭳﭴﭵﭶﭷ
ﭸ
Arrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore. (18)
آية رقم 19
ﭹﭺﭻ
ﭼ
Kutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse. (19)
تقدم القراءة