سورة الزخرف

الترجمة الصومالية

ترجمة معاني سورة الزخرف باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية

محمد أحمد عبدي

الترجمة الصومالية

محمد أحمد عبدي

آية رقم 1
Mucjisada Quraankay ku tusin. (1)
آية رقم 2
Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Quraanka) cad ee (muuqda). (2)
آية رقم 4
Wuxuuna ku suganyahay Kitaabka asalkiisa (Looxul maxfuudka) agtiisa, waana sarreeyaa Quraanku falna sanyahay. (4)
آية رقم 8
Waxaana halaagnay kuwo ka xoogbadan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaaga ahaa). (8)
آية رقم 14
Anaguna xagga Eebahanno yaannu u gadoomeynaa. (14)
Waxaad dhahdaa (ma waxaad raaxaysaan waxaas) haddaan idiinla imaado wax ka hanuunsan waxaad ka hesheen Aabayaalkiin (oo ku sugan) waxay dhihi annagu waxa laydiin ku soo diray waannu ka Gaalownay. (24)
Xusa Markuu ku yidhi (nabi) Ibraahim Aabihiis iyo Qoomkiisii anigu waxaan bari ka ahay waxaad caabudaysaan. (26)
آية رقم 28
Wuxuuna kayeelay Kalimada (tawxiidka) tii ku baaqi ah Faraca Ibraahiim si ay xaqa ugu noqdaan. (28)
Saas ma aha ee waan u raaxeeyey kuwaas iyo Aabbayaalkood intuu uga yimaado xaqu iyo Rasuul cad (oo muuqda). (29)
آية رقم 34
Guryhoodana waxaan uga yeeli lahayn Albaabyo iyo Sariiro ay ku dangiigsadaan oo fiddo ah. (34)
آية رقم 37
Shayaadiintuna waxay ka leexin Jidka (xaqa) waxayna isu maleyn inay hanuunsanyihiin (toosan yihiin). (37)
Markuu nooyimaaddo (Gaalku Qiyaamada) waxuu ku dhahaa (Shaydaanku) shaleytee mey dhexdeenna ahaato «wax la mid ah» fogaanshaha qorrax ka soobax iyo u dhaca, adaana u xun Saaxiib. (38)
Dhab ahaan yaan ugu dirray Nabi Muuse isagoo wata aayaadkanaga xaga Fircoon iyo Jamaacadiisa, wuxuu yidhi anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebaha Caalamka. (46)
آية رقم 55
Markey nacadha galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan. (55)
آية رقم 56
Waxaan ka yeeley waano iyo tusaaale Dadka dambe. (56)
آية رقم 67
Saaxiibadu Maalinta Qiyaame qaarkood qaarka (kale) waa u col kuwa dhawrsaday mooyee (Mu'miniinta). (67)
آية رقم 70
(Waxaana lagu dhihi) gala Janada idinkiyo Haweenkiinna (iyo kuwa idin la midka ah) idinkoo laydiin Nicmeeyey (laydin kana farxin). (70)
آية رقم 73
Waxaadna ku leedihiin dhexdeeda Faakiho badan ood xaggeeda wax ka cuntaan. (73)
Waxayna u dhawaaqi Maalig (Malaga Naarta) iyagoo dhihi Eebahaa ha nadilo markaasuu dhahaa idinku waas kuwaaraysaan (naarta). (77)
آية رقم 79
Ma waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nabiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda). (79)
آية رقم 83
Ee katag ha dhunbadeen (xumaanta) hana ciyaareen intay kala kulmaan maalintoodii loo yaboohaye. (83)
Waxaana barako badnaaday (sarreeyeyna) Eebaha iska leh xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, agtiisaana ah ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) xaggiisaana laydiin celin. (85)
تقدم القراءة