ترجمة معاني سورة الضحى باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﮉ
ﮊ
Eebe wuxuu ku dhaartay Barqinka. (1)
آية رقم 2
ﮋﮌﮍ
ﮎ
Iyo Habeenku markuu xasilo (Madoobaado). (2)
آية رقم 3
ﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
Inaan Eebe ka tagin Nabiyow kuuna cadhoonin. (3)
آية رقم 4
ﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Aakharana kaaga khayr badan Aduunka. (4)
آية رقم 5
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Eebaana ku siindoona (wanaag) waadna raalli noqon. (5)
آية رقم 6
ﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin. (6)
آية رقم 7
ﮥﮦﮧ
ﮨ
Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin. (7)
آية رقم 8
ﮩﮪﮫ
ﮬ
Miyuunase ku helin Adigoo caydhi ah oosna ku hodminin (kuu waxyoonin). (8)
آية رقم 9
ﮭﮮﮯﮰ
ﮱ
Ee Agoonta ha xoogin (hana dhihin). (9)
آية رقم 10
ﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Ka wax su'aalina ha canaanan. (10)
آية رقم 11
ﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Nicmada Eebahaana ka sheekee (ku mahadi). (11)
تقدم القراءة