ترجمة معاني سورة الإنشقاق باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
آية رقم 1
ﭣﭤﭥ
ﭦ
Marka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada). (1)
آية رقم 2
ﭧﭨﭩ
ﭪ
Oy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee. (2)
آية رقم 3
ﭫﭬﭭ
ﭮ
Marka dhulka la fidiyo (qiyaamada). (3)
آية رقم 4
ﭯﭰﭱﭲ
ﭳ
Oo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado. (4)
آية رقم 5
ﭴﭵﭶ
ﭷ
Oos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa). (5)
آية رقم 6
Dadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi. (6)
آية رقم 7
ﮁﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Ruuxiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee). (7)
آية رقم 8
ﮇﮈﮉﮊ
ﮋ
Waxaa la xisaabin xisaab fudud. (8)
آية رقم 9
ﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Wuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan. (9)
آية رقم 10
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Ruuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune). (10)
آية رقم 11
ﮘﮙﮚ
ﮛ
Wuxuu u yeedhan Halaag. (11)
آية رقم 12
ﮜﮝ
ﮞ
Wuxuuna gali Naarta Saciira. (12)
آية رقم 13
ﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Maxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kibirsnaa (Adduunkii). (13)
آية رقم 14
ﮥﮦﮧﮨﮩ
ﮪ
Wuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame). (14)
آية رقم 15
Saas ma ahee Eebe waa arkaa. (15)
آية رقم 16
ﯔﯕﯖ
ﯗ
Waxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca. (16)
آية رقم 17
ﯘﯙﯚ
ﯛ
Iyo Habeenka iyo wuxuu qariyay. (17)
آية رقم 18
ﯜﯝﯞ
ﯟ
Iyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo. (18)
آية رقم 19
ﯠﯡﯢﯣ
ﯤ
Ee Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan.(19)
آية رقم 20
ﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Dadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa). (20)
آية رقم 21
Marka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin. (21)
آية رقم 22
ﯲﯳﯴﯵ
ﯶ
Saas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa). (22)
آية رقم 23
ﯷﯸﯹﯺ
ﯻ
Eebana waa ogyahay waxay qarsan. (23)
آية رقم 24
ﯼﯽﯾ
ﯿ
Ugu bishaaree caddibaad daran. (24)
آية رقم 25
Hase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin. (25)
تقدم القراءة