ترجمة سورة الجمعة

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة الجمعة باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Waxaa Eebe nasihi (weynayn) waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Ilaahay waa xaakin Xumaan ka daahirane ah aadkade falsame ah. (1)
Eebe waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda Aayaadkiisa «quraankana» bara iyo Sunnada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen kuwo baadi cad ku sugan. (2)
(Waxaa kale oo Eebe Nabigu u diray) kuwo kale oon weli la kulmin kuwaas, Eebena waa Adkaade falsame ah. (3)
Arrintaasuna (Islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono Eebana waa deeq iyo fadli weyne. (4)
kuwii la faray inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna Camal falaan (waa Yuhuudda) haddana an ku camal falin, waxay la mid yihiin Dameerxambaarsan Kutub badan, waxaana xun masalka kuwaas beeniyey Aayadaha Eebe, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah. (5)
Waxaad dhahdaa (Nabiga) kuwa Yuhuuda ahow haddaad sheegateen inaad tihiin Awliyo Eebe dadka kale ka sokow, geeri jeclaada haddaad run sheegaysaan. (6)
Geerina ma jeclaanayaan weligood waxay hormarsadeen (oo gaf ah) dartiis, Eebana waa ogyahay kuwa daalimiinta ah. (7)
Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla kulmi, markaasaa laydiin celin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu idinka warrami (idinka jaasin) waxaad camal falayseen. (8)
Kuwa xaqa rumeeyow marka laysugu yeedho Salaadda Maalinta Jimcaha ah aada xusidda Eebe, wax gadashadana ka taga, saasa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og. (9)
Markase Salaadda la dhammeeyo Dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) khayrka Eebe, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan. (10)
Markay arkaan tijaaro (Ganacsi) ama Ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (Khudbo akhrin) waxaad dhahdaa waxa Eebe agtiisa ah yaa ka khayr badan Ciyaar iyo Ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta wax arsaaqda. (11)
Icon