Surah Ash-Shams in Soomaaliga
سورة الشمس · Verses: 15 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
وَٱلشَّمۡسِ وَضُحَىٰهَا
Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda. (1) -
2
وَٱلۡقَمَرِ إِذَا تَلَىٰهَا
Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco. (2) -
3
وَٱلنَّهَارِ إِذَا جَلَّىٰهَا
Iyo Maalintu markay ifiso. (3) -
4
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰهَا
Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado). (4) -
5
وَٱلسَّمَآءِ وَمَا بَنَىٰهَا
Iyo Samada iyo say u dhisantahay. (5) -
6
وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا طَحَىٰهَا
Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay. (6) -
7
وَنَفۡسࣲ وَمَا سَوَّىٰهَا
Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay. (7) -
8
فَأَلۡهَمَهَا فُجُورَهَا وَتَقۡوَىٰهَا
Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba. (8) -
9
قَدۡ أَفۡلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya. (9) -
10
وَقَدۡ خَابَ مَن دَسَّىٰهَا
Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya. (10) -
11
كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِطَغۡوَىٰهَآ
Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis. (11) -
12
إِذِ ٱنۢبَعَثَ أَشۡقَىٰهَا
Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo). (12) -
13
فَقَالَ لَهُمۡ رَسُولُ ٱللَّهِ نَاقَةَ ٱللَّهِ وَسُقۡيَٰهَا
Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda. (13) -
14
فَكَذَّبُوهُ فَعَقَرُوهَا فَدَمۡدَمَ عَلَيۡهِمۡ رَبُّهُم بِذَنۢبِهِمۡ فَسَوَّىٰهَا
Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis. (14) -
15
وَلَا يَخَافُ عُقۡبَٰهَا
Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello) (15)