Surah Al-Lail in Soomaaliga
سورة الليل · Verses: 21 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
وَٱلَّيۡلِ إِذَا يَغۡشَىٰ
Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo. (1) -
2
وَٱلنَّهَارِ إِذَا تَجَلَّىٰ
Iyo markay Maalintu Muuqato (ifto). (2) -
3
وَمَا خَلَقَ ٱلذَّكَرَ وَٱلۡأُنثَىٰٓ
Iyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba. (3) -
4
إِنَّ سَعۡيَكُمۡ لَشَتَّىٰ
In Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay. (4) -
5
فَأَمَّا مَنۡ أَعۡطَىٰ وَٱتَّقَىٰ
Ruuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada. (5) -
6
وَصَدَّقَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ
Rumeeyana tii wanaaga badnayd. (6) -
7
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡيُسۡرَىٰ
Waxaan u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican). (7) -
8
وَأَمَّا مَنۢ بَخِلَ وَٱسۡتَغۡنَىٰ
Ruuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya». (8) -
9
وَكَذَّبَ بِٱلۡحُسۡنَىٰ
Beeniyana Tii wanaaga badnayd. (9) -
10
فَسَنُيَسِّرُهُۥ لِلۡعُسۡرَىٰ
Waxaan u fududaynaa Jidka xun. (10) -
11
وَمَا يُغۡنِي عَنۡهُ مَالُهُۥٓ إِذَا تَرَدَّىٰٓ
Xoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo. (11) -
12
إِنَّ عَلَيۡنَا لَلۡهُدَىٰ
Annagaa wax hanuuninna. (12) -
13
وَإِنَّ لَنَا لَلۡأٓخِرَةَ وَٱلۡأُولَىٰ
Aakhariyo Addunbana Annagaa iska leh. (13) -
14
فَأَنذَرۡتُكُمۡ نَارࣰا تَلَظَّىٰ
Waxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran. (14) -
15
لَا يَصۡلَىٰهَآ إِلَّا ٱلۡأَشۡقَى
Oosan galaynin Ruux xun mooyeen. (15) -
16
ٱلَّذِي كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ
Oo xaqa beeniyay jeedsadayna. (16) -
17
وَسَيُجَنَّبُهَا ٱلۡأَتۡقَى
Waxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada. (17) -
18
ٱلَّذِي يُؤۡتِي مَالَهُۥ يَتَزَكَّىٰ
Ee bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo. (18) -
19
وَمَا لِأَحَدٍ عِندَهُۥ مِن نِّعۡمَةࣲ تُجۡزَىٰٓ
Ruux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin. (19) -
20
إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ رَبِّهِ ٱلۡأَعۡلَىٰ
Ee Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya. (20) -
21
وَلَسَوۡفَ يَرۡضَىٰ
Wuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi. (21)