Surah Al-Balad in Soomaaliga
سورة البلد · Verses: 20 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
لَآ أُقۡسِمُ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
Eebe wuxuu ka dhaaran Magaalada «Makaad ee Sharrifan». (1) -
2
وَأَنتَ حِلُّۢ بِهَٰذَا ٱلۡبَلَدِ
Ood Nabiyow daggantahay dhexdeeda. (2) -
3
وَوَالِدࣲ وَمَا وَلَدَ
Iyo Nabi Aadam iyo carruurtiisa «Dadka». (3) -
4
لَقَدۡ خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ فِي كَبَدٍ
Ee Eebe Dadka wuu Abuuray iyagoo dhib iyo shaqo (Adduunka kala kulmi). (4) -
5
أَيَحۡسَبُ أَن لَّن يَقۡدِرَ عَلَيۡهِ أَحَدࣱ
Ma waxayse u maleeyeen inaan cidna awood ku lahayn (dadku). (5) -
6
يَقُولُ أَهۡلَكۡتُ مَالࣰا لُّبَدًا
Dadka (Gaalada) waxay odhan waxaan bixiyey xoolo badan (si xaqa loo horjoogsado). (6) -
7
أَيَحۡسَبُ أَن لَّمۡ يَرَهُۥٓ أَحَدٌ
Ma wuxuu u maleeyay (xaq diiduhu) inaan cidna arkaynin. (7) -
8
أَلَمۡ نَجۡعَل لَّهُۥ عَيۡنَيۡنِ
Miyaannaan u yeelin Laba indhood. (8) -
9
وَلِسَانࣰا وَشَفَتَيۡنِ
Iyo Carrab iyo Laba bishimood. (9) -
10
وَهَدَيۡنَٰهُ ٱلنَّجۡدَيۡنِ
Oo miyaannaan u caddaynin Labada Jid (khayrka iyo sharka). (10) -
11
فَلَا ٱقۡتَحَمَ ٱلۡعَقَبَةَ
Ee Dadku muu jiidho Jiirta. (11) -
12
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡعَقَبَةُ
Ma taqaannaa Jiirta. (12) -
13
فَكُّ رَقَبَةٍ
Waa qoor la xoreeyo. (13) -
14
أَوۡ إِطۡعَٰمࣱ فِي يَوۡمࣲ ذِي مَسۡغَبَةࣲ
Iyo cunno la siiyo maalin gaajo. (14) -
15
يَتِيمࣰا ذَا مَقۡرَبَةٍ
Agoon kuu dhaw. (15) -
16
أَوۡ مِسۡكِينࣰا ذَا مَتۡرَبَةࣲ
Ama Miskiin Dhulka ku dhagay (dhibaato darteed). (16) -
17
ثُمَّ كَانَ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلصَّبۡرِ وَتَوَاصَوۡاْ بِٱلۡمَرۡحَمَةِ
Markaas la noqdo kuwa Rumeeyay xaqa, isuna dardaarma Samirka, isuna dardaarma naxariista. (17) -
18
أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَيۡمَنَةِ
Kuwaasina waa kuwa Midigta mari. (18) -
19
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا هُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلۡمَشۡـَٔمَةِ
Kuwaka Gaaloobayse Aayaadkannaga waa kuwa jidka xun mari. (19) -
20
عَلَيۡهِمۡ نَارࣱ مُّؤۡصَدَةُۢ
Waxaana lagu dabooli Naar. (20)