Surah Al-Mutaffifin in Soomaaliga
سورة المطففين · Verses: 36 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
وَيۡلࣱ لِّلۡمُطَفِّفِينَ
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. (1) -
2
ٱلَّذِينَ إِذَا ٱكۡتَالُواْ عَلَى ٱلنَّاسِ يَسۡتَوۡفُونَ
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). (2) -
3
وَإِذَا كَالُوهُمۡ أَو وَّزَنُوهُمۡ يُخۡسِرُونَ
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. (3) -
4
أَلَا يَظُنُّ أُوْلَٰٓئِكَ أَنَّهُم مَّبۡعُوثُونَ
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. (4) -
5
لِيَوۡمٍ عَظِيمࣲ
Maalin wayn darteed (Qiyaamada). (5) -
6
يَوۡمَ يَقُومُ ٱلنَّاسُ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. (6) -
7
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡفُجَّارِ لَفِي سِجِّينࣲ
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. (7) -
8
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا سِجِّينࣱ
Ma taqaannaa Sijiin. (8) -
9
كِتَٰبࣱ مَّرۡقُومࣱ
Waa Kitaab calaamaysan. (9) -
10
وَيۡلࣱ يَوۡمَئِذࣲ لِّلۡمُكَذِّبِينَ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). (10) -
11
ٱلَّذِينَ يُكَذِّبُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. (11) -
12
وَمَا يُكَذِّبُ بِهِۦٓ إِلَّا كُلُّ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. (12) -
13
إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. (13) -
14
كَلَّاۖ بَلۡۜ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. (14) -
15
كَلَّآ إِنَّهُمۡ عَن رَّبِّهِمۡ يَوۡمَئِذࣲ لَّمَحۡجُوبُونَ
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. (15) -
16
ثُمَّ إِنَّهُمۡ لَصَالُواْ ٱلۡجَحِيمِ
Markaasna ay gali Jaxiimo. (16) -
17
ثُمَّ يُقَالُ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. (17) -
18
كَلَّآ إِنَّ كِتَٰبَ ٱلۡأَبۡرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. (18) -
19
وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا عِلِّيُّونَ
Cilliyiin ma taqaannaa. (19) -
20
كِتَٰبࣱ مَّرۡقُومࣱ
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. (20) -
21
يَشۡهَدُهُ ٱلۡمُقَرَّبُونَ
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. (21) -
22
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٍ
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). (22) -
23
عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. (23) -
24
تَعۡرِفُ فِي وُجُوهِهِمۡ نَضۡرَةَ ٱلنَّعِيمِ
Wajigooda waanad ka garan Nicmada. (24) -
25
يُسۡقَوۡنَ مِن رَّحِيقࣲ مَّخۡتُومٍ
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). (25) -
26
خِتَٰمُهُۥ مِسۡكࣱۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلۡيَتَنَافَسِ ٱلۡمُتَنَٰفِسُونَ
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. (26) -
27
وَمِزَاجُهُۥ مِن تَسۡنِيمٍ
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. (27) -
28
عَيۡنࣰا يَشۡرَبُ بِهَا ٱلۡمُقَرَّبُونَ
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. (28) -
29
إِنَّ ٱلَّذِينَ أَجۡرَمُواْ كَانُواْ مِنَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ يَضۡحَكُونَ
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. (29) -
30
وَإِذَا مَرُّواْ بِهِمۡ يَتَغَامَزُونَ
Haday maraanna way xaqirijireen. (30) -
31
وَإِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمُ ٱنقَلَبُواْ فَكِهِينَ
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). (31) -
32
وَإِذَا رَأَوۡهُمۡ قَالُوٓاْ إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَضَآلُّونَ
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. (32) -
33
وَمَآ أُرۡسِلُواْ عَلَيۡهِمۡ حَٰفِظِينَ
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. (33) -
34
فَٱلۡيَوۡمَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنَ ٱلۡكُفَّارِ يَضۡحَكُونَ
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. (34) -
35
عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ يَنظُرُونَ
Sariiro korkood yayna wax daawan. (35) -
36
هَلۡ ثُوِّبَ ٱلۡكُفَّارُ مَا كَانُواْ يَفۡعَلُونَ
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). (36)