ترجمة سورة الشرح

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة الشرح باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin). (1)
Oonaan ka dajinin culayskii. (2)
dhabarka kaa cusleeyay. (3)
Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada). (4)
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj). (5)
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd. (6)
Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal). (7)
Eebana (Khayr) ka rajee. (8)
Icon