ترجمة سورة العاديات

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة العاديات باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Eebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi. (1)
iyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha). (2)
Iyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii. (3)
Ee Boodhka kiciya. (4)
Cadawgana dhexgala. (5)
Ee Dadku Eebohood waa diideen( ku MadaxAdkaadeen). (6)
Arrintaasna Dadku wuu ogyahay ( Markhaatuu ka yahay). (7)
Dadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay. (8)
Miyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo. (9)
Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo. (10)
Eebohood Maalintaas ogyahay. (11)
Icon