Surah Al-'Alaq in Soomaaliga
سورة العلق · Verses: 19 · Meccan
Translation: Soomaaliga translation 1 (الترجمة الصومالية)
-
1
ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِي خَلَقَ
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga). (1) -
2
خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِنۡ عَلَقٍ
Dadkana ka abuuray Calaq (Xinjir). (2) -
3
ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ
Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe. (3) -
4
ٱلَّذِي عَلَّمَ بِٱلۡقَلَمِ
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. (4) -
5
عَلَّمَ ٱلۡإِنسَٰنَ مَا لَمۡ يَعۡلَمۡ
Dadkana baray waxayna aqoonin. (5) -
6
كَلَّآ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَيَطۡغَىٰٓ
Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen. (6) -
7
أَن رَّءَاهُ ٱسۡتَغۡنَىٰٓ
Markuu isku ogaaday Hodontinnimo. (7) -
8
إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجۡعَىٰٓ
Eebaha xaggiisaase loo noqon. (8) -
9
أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يَنۡهَىٰ
Ka warrama midka ka reebaya. (9) -
10
عَبۡدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda. (10) -
11
أَرَءَيۡتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلۡهُدَىٰٓ
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga). (11) -
12
أَوۡ أَمَرَ بِٱلتَّقۡوَىٰٓ
Ama uu fari Eeba ka yaabid. (12) -
13
أَرَءَيۡتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe). (13) -
14
أَلَمۡ يَعۡلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
Miyuusan ogayn in Eebe arko. (14) -
15
كَلَّا لَئِن لَّمۡ يَنتَهِ لَنَسۡفَعَۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda. (15) -
16
نَاصِيَةࣲ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةࣲ
Food beenaleey ah ghafna badan. (16) -
17
فَلۡيَدۡعُ نَادِيَهُۥ
Ha u yeedho gargaarihiisa. (17) -
18
سَنَدۡعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane. (18) -
19
كَلَّا لَا تُطِعۡهُ وَٱسۡجُدۡۤ وَٱقۡتَرِب۩
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe). (19)