Turjumaada Suuradda إبراهيم ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
xarfaha hore oo kale waa la soo sheegay macnahooda, kanna waa Kitaab aannu kugu soo dejinnay inaad kaga bixisid dadka mugdiyada xagga Nuur idamka Eebehood iyo jidka Eebaha adkaada ee la Mahadiyo. (1)
Verse 2
Ilaaha iska leh waxa Somooyinka iyo Dhulka ku sugan, halaagna waxaa mudan Gaalada cadaab daran xaggiis. (2)
Verse 3
oo ah kuwa ka jecel nolosha adduun Aakhiro oo ka leexiya (Dadka) Jidka Eebe lana dooni Qallooc, kuwaasuna waxay ku suganyihiin Baadi fog. (3)
Verse 4
Rasuul kuma dirro waxaan Afka Qoomkiisa ahayn si uu ugu caddeeyo, wuuna baadiyeeyaa Eebe cidduu doono inta xaqa loo caddeeyey ka dib, wuuna hanuunin cidduu doono, waana adkaade falsan. (4)
Verse 5
waxaan la dirray (Nabi) Muuse Aayaadkannaga bixi Qookaaga Mugdiyada xagga Nuurka, kuna waani «xusuusi» Nicmooyinkii Ilaahay arrintaasna Aayaadbaa (Calaamooyin) ugu sugan samir badane, shugri badan dhammaantiis. (5)
Verse 6
iyo markuu Nabi Muuse ku yidhi Qoomkiisa xusuusta Nicmada Eebe korkiinna markuu idinka koriyey Colkii Fircoon iyagoo idin dhadhansiin cadaab (Daran) Xun oo gawrici Wilashiinna oo dayn Gabdhihiinna (Dullaysi) arrintaasna waxaa ku sugnayd Balayo (Intixaam) Eebihiin oo wayn. (6)
Verse 7
iyo markuu Eebihiin ogaysiiyey haddaad shugridaan waan idiin kordhin, haddaad gaalowdaanna cadaabkaygu waa daranyahay. (7)
Verse 8
wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse haddaad Gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan Dhulka dhammaan Eebe waa Hodan mahadsan. (8)
Verse 9
miyuuna idin soo gaadhin warkii kuwii idinka horreeyey (oo ah) Qoomkii Nabi Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (Tiradooda) Eebe mooyee, waxayna ula yimaadeen Rasuuladoodii xujooyin waxayna ku celiyeen Gacmahooda Afkooda (Way beeniyeen) waxayna dhaheen anagu waan ka gaalownay waxa laydinku soo diray annguna shakibaan kaga sugannahay waxaad noogu yeedhaysaan xaggiisa oo daran. (9)
Verse 10
waxay dheheen Rasuuladoodii ma Eebaa shaki ku jiraa ee abuuray Samooyinka iyo Dhulka idiinkuna yeedhi inuu idinka dhaafo dambiyadiinna dibna idiin dhigo tan iyo muddo magacaaban, waxayna dheheen idinku ma tihiin waxaan bashar (Dad) nala mida ahayn, waxaadna doonaysaan inaad naga leexisaan waxay caabudi jireen Aabbayaalkanno noo keena xujo cad. (10)
Verse 11
Rasuulladii waxay dheheen annagu ma nihin waxaan dad idin la mida ahayn, Eebaase ku mannaysta (khayr) cidduu doono oo addoomadiisa ka mida, xujana idiinma keeni karro idinka Eebe mooyee, Eebe uunna ha tala saarteen Mu'miniintu. (11)
Verse 12
maxaanaan u talo saaranayn Eebe isagoo nagu hanuuniyey Jidkannaga, waana ku samraynaa waxaad nagu dhibaysaan Eebe uun ha talo saarteen kuwa talosaaran (Cid). (12)
Verse 13
waxay ku dheheen kuwii gaaloobay Rasuulladoodii waxayna ku soo noqonaysaan (soo galaysaan) diintannda, wuxuuna u waxyooday Eebahood inuu halaago daalimiinta. (13)
Verse 14
dajinna idinka dhulka kuwaas ka dib, arrintaasna waxaa heli ciddii ka cabsata la kulankayga oo ka cabsata gooddigayga. (14)
Verse 15
ﮣﮤﮥﮦﮧ
ﮨ
wayna gargaar dalbeen waxaana khasaaray kibir badane madax adag dhammaantiis (xaq diid) (15)
Verse 16
waxaana ka horraysa jahannamo waxaana laga waraabin Biyo carow ah (Dhaacaanka Ehelu Naarka). (16)
Verse 17
wuuna ku margan mana ka degayo wuuna uga imaan Mawdku (Geeridu) meel kasta, mana dhimanayo, gadaashiisna waxaa ah cadaab adag. (17)
Verse 18
kuwa ka gaaloobay Eebahood wuxuu la midyahay camlakoodu dambas ku darraatay «ku dhacday» dabayli maalin dabayl dhabasho daran, kama karaan (helaan) waxay Kasbadeen waxba, kaasina waa baadida fog uun. (18)
Verse 19
miyeydaan arkayn in Eebe u abuuray Samooyinka iyo dhulka xaq, hadduu doonana idin tagsiin karo lana imaan karo khalqi cusub. (19)
Verse 20
ﭡﭢﭣﭤﭥ
ﭦ
arrintaasina Eebe kuma adka. (20)
Verse 21
waxayna dadku u soo bixi Eebe markaasay ku dhihi kuwii «raaciyadda» ahaa kuwii madaxda ahaa anagu idinkaan idin raacaynay ee wax ma nooga taraysaan cadaabka Eebe, waxayna dhahaan hadduu Eebe na hanuuniyo waan idin hanuunin lahayn, waa isugu mid korkeenna haddaan argagaxno ama samirnno (adkaysanno) ma helayno fakasho. (21)
wuxuuna dhahaa shaydaankii marka amarka la xukumo, Eebe wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah anna waan idiin yaboohay waana idinku beeniyey, wax xujo ahna idinkuma lahayn oon ahayn inaan idiin yeedhay ood i maqasheen ee hay dagaalina ee dagaala naftiinna anuguna idiinma gargaari karo idinna iima gargaari kartaan, anugu waan diiday waxaa ila wadaajiseen horay daalimiintuna waxay mudan cadaab daran. (22)
Verse 23
waxaana la gelin kuwii rumeeyey xaqa oo camal fiican falay Jannooyin ay socoto dhexdeeda wabiyadii iyagoo ku dhex waari idanka Eebe dartiis soo dhawayskooduna dhexdeeda waa salaan. (23)
Verse 24
ma ogtahay sida Eebe ugu yeelay Tusaale kalimada (Erayga) Fiican sida Geed wanaagsan oo laamaheediina samada (kor jiraan). (24)
Verse 25
oo siisa (Bixisa) Cunnadeeda Waqti kasta idanka Eebaheed dartiis, wuuna u yeelada Eebe tusaayaal Dadka inay waantoomaan. (25)
Verse 26
Kalimada (Erayga) xunna (Gaalnimada iyo xumaanta) waxay la mid tahay geed xun lagana rujiyey dhulka korkiisa oon sugnaan lahayn. (26)
Verse 27
wuxuu ku sugaa Eebe kuwa rumeeyey xaqa Erayga sugan (ashaadada iyo xaqa) Nolosha adduun iyo Aakhiraba wuxuuna falaa Eebe wuxuu doono. (27)
Verse 28
ma ogtahay kuwa ku badelay Nicmaddii Eebe Gaalnimo, Dejiyeyna qoomkoodii guri halaag. (28)
Verse 29
ﮐﮑﮒﮓﮔ
ﮕ
Jahannamayna gali meel lagu sugnaadana iyadaa u xun (Jahannamo). (29)
Verse 30
waxayna u yeeleen Eebe shariig inay ka dhumiyaan jidkiisa, waxaad dhahdaa raaxaysta ahaanshihiinnu waa Naare. (30)
Verse 31
Ku dheh addoomadayda rumeeyey (Xaqa) ha oogeen salaadda hana ka Nafaqeeyeen waxaan ku arzaaqay qarsoodi iyo muuqba ka hor imaatin Maalin aan gadaho iyo saaxiib jirin (qiyaamada). (31)
Verse 32
Eebe waa kan Abuuray samooyinka iyo dhulka kana soo dejiyey samada Biyo kuna soo bixiyey midho rizqigiinna dartiis, idiinna sakhiray doonta inay ku socoto badda amarka Eebe idiinna sakhiray Wabiyada. (32)
Verse 33
idiinkuna sakhiray Qorraxda iyo Dayaxa si joogta ah idiinna sakhiray habeenka iyo Maalinta. (33)
Verse 34
idinkana siiyey wax kastood warsataan, haddad tirisaanna Nicmada Eebana ma koobi Kartaan, dadse waa dulmi badane gaalnimo badan. (34)
Verse 35
Xusuusta markuu Nabi Ibraahim yidhi Eebow ka yeel baladkan (Maka) Aamin igana dheeree ani iyo caruurtayda inaan caabudno Sanamyada. (35)
Verse 36
Eebow waxay dhumiyeen wax badan oo ciddii raacdana waa iga mid tii i caasidana adaa dambi dhaafe naxariista ah. (36)
Verse 37
Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan beer lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan. (37)
Verse 38
Eebow adugu waxaad ogtahay waxaannu qarin iyo waxaannu Muujin, kamana Qarsoona Eebe wax ba samada iyo dhulka (midna). (38)
Verse 39
mahad Eebaa iska leh ee ah kan i siiyey anoo wayn Ismaaeiil iyo Isxaaq Eebahayna waa maqlaha baryada (ajiibe). (39)
Verse 40
Eebow iga yeel mid ooga salaadda aniga iyo caruurtayda Eebow Aqbal baryadayda. (40)
Verse 41
Eebow ii dambi dhaaf ani iyo Labadaydii Waalid iyo Mu'miniinta Maalinta ay kici xisaabtu (Qiyaamadu). (41)
Verse 42
ha u malayn in Eebe halmaansanyahay waxay fali daalimiintu, wuxuu uun dib ugu dhigi maalin ay taagni dhexdiisa indhuhu. (42)
Verse 43
oyna deg degi oo madax kor yeeli oosan soo noqonayn aragoodu (taagmi indhuhu) Quluubtooduna oy madhantahay «cabsi darteed». (43)
Verse 44
uga did dadka maalintuu u iman cadaab oy odhan kuwii dulmi falay eebow dib noogu dhig muddo dhaw aan ajiibno yeedhidaadee oon raacno rasuuladee, miyeydaan ahayn kuwii ku dhaartay horay inaydaan tegayn. (44)
Verse 45
oo degteen guryihii kuwii dulmiyey naftooda oo idiin caddaaday sidaan ku fallay iyagii oon idiin yeellay tusaalayaal. (45)
Verse 46
iyagoo dhagar samayn Eebe agtiisaana Abaalka dhagartoodu yahay, dhagartooduna ma aha mid la suulaan (tagaan) Buuruhu. (46)
Verse 47
ee ha u malayn in Eebe baajin u yabooha Rasuulladiisa illeen Ilaahay waa adkaade aarsadee. (47)
Verse 48
Maalin Buuna (oofin) lagu bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah ee awoodda sara leh. (48)
Verse 49
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
ﯔ
Waxaadna arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays kulaxidhay) Biro (Naareed). (49)
Verse 50
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
ﯛ
Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli wajigooda naar. (50)
Verse 51
inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu. (51)
Verse 52
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta). (52)
تقدم القراءة