Turjumaada Suuradda العلق ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray (khaliqiga). (1)
Verse 2
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Dadkana ka abuuray Calaq (Xinjir). (2)
Verse 3
ﮠﮡﮢ
ﮣ
Akhri Eebana waa kan Sharafta lehe. (3)
Verse 4
ﮤﮥﮦ
ﮧ
Ee Dadka baray sida Qalinka wax loogu qoro. (4)
Verse 5
ﮨﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Dadkana baray waxayna aqoonin. (5)
Verse 6
ﮮﮯﮰﮱ
ﯓ
Saas ma aha ee Dadku (Gaaladu) waa gudbeen. (6)
Verse 7
ﯔﯕﯖ
ﯗ
Markuu isku ogaaday Hodontinnimo. (7)
Verse 8
ﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Eebaha xaggiisaase loo noqon. (8)
Verse 9
ﯝﯞﯟ
ﯠ
Ka warrama midka ka reebaya. (9)
Verse 10
ﯡﯢﯣ
ﯤ
Addoon (Eebe) oo tukan Salaadda. (10)
Verse 11
ﯥﯦﯧﯨﯩ
ﯪ
Bal ka warrama hadduu ka laga reebi hanuunsanyahay (waa Nabiga). (11)
Verse 12
ﯫﯬﯭ
ﯮ
Ama uu fari Eeba ka yaabid. (12)
Verse 13
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Balse ka warrama hadduu midka wax ka reebi uu beeniyay (xaqa) kana jeedsaday (waa AbuuJahal iyo wixii la mid ahe). (13)
Verse 14
ﭖﭗﭘﭙﭚ
ﭛ
Miyuusan ogayn in Eebe arko. (14)
Verse 15
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Saas ma aha ee hadduusan joogin waxaannu qaban Foodda. (15)
Verse 16
ﭣﭤﭥ
ﭦ
Food beenaleey ah ghafna badan. (16)
Verse 17
ﭧﭨ
ﭩ
Ha u yeedho gargaarihiisa. (17)
Verse 18
ﭪﭫ
ﭬ
Waxaanu u yeedhi Malaa'ig darane. (18)
Verse 19
ﭭﭮﭯﭰﭱﭲ
ﭳ
Saas ma aha ee warkiisa ha maqlin Sujuudna una dhawow (Eebe). (19)
تقدم القراءة