Turjumaada Suuradda الحجر ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad. (1)
Verse 2
Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii). (2)
Verse 3
ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane, (3)
Verse 4
Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno. (4)
Verse 5
Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto. (5)
Verse 6
Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay. (6)
Verse 7
Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi. (7)
Verse 8
Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas). (8)
Verse 9
Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri. (9)
Verse 10
waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore. (10)
Verse 11
Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa. (11)
Verse 12
ﮰﮱﯓﯔﯕ
ﯖ
saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha. (12)
Verse 13
mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey. (13)
Verse 14
haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora (14)
Verse 15
waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray. (15)
Verse 16
waxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi). (16)
Verse 17
ﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
waxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis. (17)
Verse 18
mid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee. (18)
Verse 19
dhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman. (19)
Verse 20
waxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin. (20)
Verse 21
waxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee. (21)
Verse 22
waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda). (22)
Verse 23
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
annagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha). (23)
Verse 24
waxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray. (24)
Verse 25
Eebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah. (25)
Verse 26
annagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon. (26)
Verse 27
Jaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl). (27)
Verse 28
Xusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon. (28)
Verse 29
Ee markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud. (29)
Verse 30
ﯶﯷﯸﯹ
ﯺ
wayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan. (30)
Verse 31
Ibliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee. (31)
Verse 32
Wuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda. (32)
Verse 33
Wuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon. (33)
Verse 34
ﭦﭧﭨﭩﭪ
ﭫ
Wuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye. (34)
Verse 35
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Korkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada). (35)
Verse 36
ﭳﭴﭵﭶﭷﭸ
ﭹ
Wuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka. (36)
Verse 37
ﭺﭻﭼﭽ
ﭾ
Wuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay. (37)
Verse 38
ﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
Tan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh. (38)
Verse 39
Wuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan. (39)
Verse 40
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Addoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay). (40)
Verse 41
ﮔﮕﮖﮗﮘ
ﮙ
Eebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin). (41)
Verse 42
Addoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee. (42)
Verse 43
ﮦﮧﮨﮩ
ﮪ
Jahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan. (43)
Verse 44
Waxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah). (44)
Verse 45
ﯕﯖﯗﯘﯙ
ﯚ
kuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri). (45)
Verse 46
ﯛﯜﯝ
ﯞ
waxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo. (46)
Verse 47
waxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan. (47)
Verse 48
kumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo. (48)
Verse 49
U warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay, (49)
Verse 50
ﯻﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
iyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun. (50)
Verse 51
ﰁﰂﰃﰄ
ﰅ
Ugana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim. (51)
Verse 52
Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan. (52)
Verse 53
ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane. (53)
Verse 54
Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan. (54)
Verse 55
Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta. (55)
Verse 56
Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee. (56)
Verse 57
ﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw. (57)
Verse 58
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood. (58)
Verse 59
ﮊﮋﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood. (59)
Verse 60
ﮑﮒﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga). (60)
Verse 61
ﮘﮙﮚﮛﮜ
ﮝ
Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray. (61)
Verse 62
ﮞﮟﮠﮡ
ﮢ
Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin. (62)
Verse 63
Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii). (63)
Verse 64
ﮫﮬﮭﮮ
ﮯ
Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa. (64)
Verse 65
Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray. (65)
Verse 66
Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii. (66)
Verse 67
ﯪﯫﯬﯭ
ﯮ
Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida). (67)
Verse 68
ﯯﯰﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina. (68)
Verse 69
ﯶﯷﯸﯹ
ﯺ
kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina. (69)
Verse 70
ﯻﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna). (70)
Verse 71
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
wuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan). (71)
Verse 72
ﭘﭙﭚﭛﭜ
ﭝ
Cimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin. (72)
Verse 73
ﭞﭟﭠ
ﭡ
Waxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa. (73)
Verse 74
Waxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah. (74)
Verse 75
ﭫﭬﭭﭮﭯ
ﭰ
Arrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira). (75)
Verse 76
ﭱﭲﭳ
ﭴ
Waxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad). (76)
Verse 77
ﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
Arrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay. (77)
Verse 78
ﭻﭼﭽﭾﭿ
ﮀ
Waxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb). (78)
Verse 79
ﮁﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Waana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno). (79)
Verse 80
ﮇﮈﮉﮊﮋ
ﮌ
Waxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax). (80)
Verse 81
ﮍﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Waana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada. (81)
Verse 82
ﮓﮔﮕﮖﮗﮘ
ﮙ
Waxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina. (82)
Verse 83
ﮚﮛﮜ
ﮝ
Waxaana qabatay Qaylo Aroortii. (83)
Verse 84
ﮞﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Waxna uma tarin waxay Kasbanayeen. (84)
Verse 85
Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan. (85)
Verse 86
ﯗﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Eebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe. (86)
Verse 87
waxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn. (87)
Verse 88
ee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilci) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta. (88)
Verse 89
ﯵﯶﯷﯸﯹ
ﯺ
waxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad. (89)
Verse 90
ﯻﯼﯽﯾ
ﯿ
sidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa). (90)
Verse 91
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
ee kayeelay Quraanka Qaybo. (91)
Verse 92
ﭖﭗﭘ
ﭙ
Eebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood. (92)
Verse 93
ﭚﭛﭜ
ﭝ
waxay falayeen. (93)
Verse 94
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
ee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta. (94)
Verse 95
ﭥﭦﭧ
ﭨ
anagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa. (95)
Verse 96
ee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca). (96)
Verse 97
waxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun). (97)
Verse 98
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
ﮁ
ee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda. (98)
Verse 99
ﮂﮃﮄﮅﮆ
ﮇ
Caabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu). (99)
تقدم القراءة