Turjumaada Suuradda المزّمّل ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒ
ﭓ
(Nabiga) Isduuduubayow. (1)
Verse 2
ﭔﭕﭖﭗ
ﭘ
Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee. (2)
Verse 3
ﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar. (3)
Verse 4
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican. (4)
Verse 5
ﭦﭧﭨﭩﭪ
ﭫ
Annagaa Kugu Dajin Hadal Culus (wayne). (5)
Verse 6
Habeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan. (6)
Verse 7
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer. (7)
Verse 8
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Magaca Eebana xus cibaadadiisana u go'. (8)
Verse 9
Qorrax ka soobax iyo u Dhacba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado). (9)
Verse 10
kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag). (10)
Verse 11
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug. (11)
Verse 12
ﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo. (12)
Verse 13
ﮡﮢﮣﮤﮥ
ﮦ
Iyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran. (13)
Verse 14
(waxay ku dhici Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda. (14)
Verse 15
Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul. (15)
Verse 16
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
Fircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran. (16)
Verse 17
Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan. (17)
Verse 18
Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici. (18)
Verse 19
Aayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho. (19)
Verse 20
Eebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste. (20)
تقدم القراءة