Turjumaada Suuradda القلم ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﮉﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Eebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka). (1)
Verse 2
ﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
Ee Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid. (2)
Verse 3
ﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Waxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn. (3)
Verse 4
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Waxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn. (4)
Verse 5
ﮠﮡ
ﮢ
Waad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan. (5)
Verse 6
ﮣﮤ
ﮥ
kinna waalan (ama la caddibo). (6)
Verse 7
Eebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan. (7)
Verse 8
ﯓﯔﯕ
ﯖ
Ee Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda). (8)
Verse 9
ﯗﯘﯙﯚ
ﯛ
Waxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan. (9)
Verse 10
ﯜﯝﯞﯟﯠ
ﯡ
Ha maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan. (10)
Verse 11
ﯢﯣﯤ
ﯥ
oo Xanlow ah, isku diraa ah. (11)
Verse 12
ﯦﯧﯨﯩ
ﯪ
Khayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah. (12)
Verse 13
ﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Xumaantana ku madax adag isku dhejisna ah (xumaanlow ah). (13)
Verse 14
ﯰﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
inuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay). (14)
Verse 15
Marka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii. (15)
Verse 16
ﯾﯿﰀ
ﰁ
wuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka. (16)
Verse 17
Eebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan. (17)
Verse 18
ﭜﭝ
ﭞ
Iyagoon dhihin haddii Eebe idmo. (18)
Verse 19
Waxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda. (19)
Verse 20
ﭧﭨ
ﭩ
Waxayna noqotay wax la shafay (La gooyay) oo kale. (20)
Verse 21
ﭪﭫ
ﭬ
wayna isu dhawaaqeen Subaxdii. (21)
Verse 22
iyagoo leh kallaha oo beerta goosta. (22)
Verse 23
ﭵﭶﭷ
ﭸ
wayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi. (23)
Verse 24
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
inaan Beerta maanta Miskiin soo gelin. (24)
Verse 25
ﮀﮁﮂﮃ
ﮄ
Wayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo). (25)
Verse 26
ﮅﮆﮇﮈﮉ
ﮊ
Markay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay. (26)
Verse 27
ﮋﮌﮍ
ﮎ
haddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey. (27)
Verse 28
Markaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya. (28)
Verse 29
ﮗﮘﮙﮚﮛﮜ
ﮝ
Markaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay. (29)
Verse 30
ﮞﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Markaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali. (30)
Verse 31
ﮤﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
Waxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay. (31)
Verse 32
Eebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh. (32)
Verse 33
Caddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin. (33)
Verse 34
ﯡﯢﯣﯤﯥﯦ
ﯧ
Kuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada». (34)
Verse 35
ﯨﯩﯪ
ﯫ
Ma Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha. (35)
Verse 36
ﯬﯭﯮﯯ
ﯰ
Seed u dhihi kartaan saas. (36)
Verse 37
ﯱﯲﯳﯴﯵ
ﯶ
Mise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan. (37)
Verse 38
ﯷﯸﯹﯺﯻ
ﯼ
oo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan. (38)
Verse 39
Mise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan. (39)
Verse 40
ﰊﰋﰌﰍ
ﰎ
Weydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas. (40)
Verse 41
mise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi. (41)
Verse 42
Maalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud. (42)
Verse 43
Indhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba. (43)
Verse 44
Isu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn. (44)
Verse 45
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
ﭰ
Waana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay. (45)
Verse 46
Nabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey. (46)
Verse 47
ﭹﭺﭻﭼﭽ
ﭾ
Mise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori. (47)
Verse 48
Ku samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan. (48)
Verse 49
Haddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay. (49)
Verse 50
ﮖﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Waxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan. (50)
Verse 51
Waxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu). (51)
Verse 52
ﮩﮪﮫﮬﮭ
ﮮ
Quraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka. (52)
تقدم القراءة