Turjumaada Suuradda الشمس ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭜﭝ
ﭞ
Eebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda. (1)
Verse 2
ﭟﭠﭡ
ﭢ
Iyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco. (2)
Verse 3
ﭣﭤﭥ
ﭦ
Iyo Maalintu markay ifiso. (3)
Verse 4
ﭧﭨﭩ
ﭪ
Iyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado). (4)
Verse 5
ﭫﭬﭭ
ﭮ
Iyo Samada iyo say u dhisantahay. (5)
Verse 6
ﭯﭰﭱ
ﭲ
Iyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay. (6)
Verse 7
ﭳﭴﭵ
ﭶ
Iyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay. (7)
Verse 8
ﭷﭸﭹ
ﭺ
Una tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba. (8)
Verse 9
ﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
Ee waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya. (9)
Verse 10
ﮀﮁﮂﮃ
ﮄ
Waxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya. (10)
Verse 11
ﮅﮆﮇ
ﮈ
Thamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis. (11)
Verse 12
ﮉﮊﮋ
ﮌ
Marku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo). (12)
Verse 13
Oo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda. (13)
Verse 14
Wayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis. (14)
Verse 15
ﮝﮞﮟ
ﮠ
Isagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello) (15)
تقدم القراءة