Turjumaada Suuradda المطفّفين ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﯖﯗ
ﯘ
Wuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya. (1)
Verse 2
ﯙﯚﯛﯜﯝﯞ
ﯟ
Waa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta). (2)
Verse 3
ﯠﯡﯢﯣﯤ
ﯥ
Markay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya. (3)
Verse 4
ﯦﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Miyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin. (4)
Verse 5
ﭑﭒ
ﭓ
Maalin wayn darteed (Qiyaamada). (5)
Verse 6
ﭔﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Maalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka. (6)
Verse 7
ﭚﭛﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Saas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin. (7)
Verse 8
ﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Ma taqaannaa Sijiin. (8)
Verse 9
ﭦﭧ
ﭨ
Waa Kitaab calaamaysan. (9)
Verse 10
ﭩﭪﭫ
ﭬ
Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa). (10)
Verse 11
ﭭﭮﭯﭰ
ﭱ
Ee ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta. (11)
Verse 12
Waxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah. (12)
Verse 13
Marka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore. (13)
Verse 14
Saas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah. (14)
Verse 15
ﮍﮎﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Waxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi. (15)
Verse 16
ﮔﮕﮖﮗ
ﮘ
Markaasna ay gali Jaxiimo. (16)
Verse 17
Waxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka. (17)
Verse 18
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Saas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin. (18)
Verse 19
ﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Cilliyiin ma taqaannaa. (19)
Verse 20
ﮭﮮ
ﮯ
Waa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro. (20)
Verse 21
ﮰﮱ
ﯓ
Waxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw. (21)
Verse 22
ﯔﯕﯖﯗ
ﯘ
Kuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno). (22)
Verse 23
ﯙﯚﯛ
ﯜ
(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan. (23)
Verse 24
ﯝﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Wajigooda waanad ka garan Nicmada. (24)
Verse 25
ﯣﯤﯥﯦ
ﯧ
Waxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan). (25)
Verse 26
Waxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu. (26)
Verse 27
ﯰﯱﯲ
ﯳ
Waxaana lagu dheehi Cabbitaan. (27)
Verse 28
ﯴﯵﯶﯷ
ﯸ
Waa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw. (28)
Verse 29
Kuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay. (29)
Verse 30
ﰂﰃﰄﰅ
ﰆ
Haday maraanna way xaqirijireen. (30)
Verse 31
ﰇﰈﰉﰊﰋﰌ
ﰍ
Markay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan). (31)
Verse 32
ﰎﰏﰐﰑﰒﰓ
ﰔ
Markay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin. (32)
Verse 33
ﰕﰖﰗﰘ
ﰙ
Loomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta. (33)
Verse 34
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Maalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada. (34)
Verse 35
ﭘﭙﭚ
ﭛ
Sariiro korkood yayna wax daawan. (35)
Verse 36
ﭜﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Miyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay). (36)
تقدم القراءة