Turjumaada Suuradda المؤمنون ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Waxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu'miniinta. (1)
Verse 2
ﭕﭖﭗﭘﭙ
ﭚ
Ah kuwa Salaaddooda ku Khushuuca. (2)
Verse 3
ﭛﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Oo ah kuwa Hadalka Macno Darro ka Jeedsada. (3)
Verse 4
ﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Oo ah kuwa Fala Zakada «bixiya». (4)
Verse 5
ﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya. (5)
Verse 6
Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas. (6)
Verse 7
Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal. (7)
Verse 8
ﭾﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
Waa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra. (8)
Verse 9
ﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
waana kuwa Salaadda Ilaaliya. (9)
Verse 10
ﮊﮋﮌ
ﮍ
Kuwaasu waa kuwa Dhaxli. (10)
Verse 11
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
oo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari. (11)
Verse 12
Waxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo. (12)
Verse 13
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Markaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan. (13)
Verse 14
Markaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay. (14)
Verse 15
ﯜﯝﯞﯟﯠ
ﯡ
Markaas Idinku Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan. (15)
Verse 16
ﯢﯣﯤﯥﯦ
ﯧ
Markaas Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin. (16)
Verse 17
Waxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan. (17)
Verse 18
Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa. (18)
Verse 19
Waxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani ku sugantahay ood wax ka Cuntaan. (19)
Verse 20
Iyo Geed ka Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni. (20)
Verse 21
Waxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan, Xaggeedaadna wax ka Cuntaan. (21)
Verse 22
ﮉﮊﮋﮌ
ﮍ
Korkeeda iyo Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa. (22)
Verse 23
Waxaan u Dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn. (23)
Verse 24
Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey. (24)
Verse 25
Ma aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo, Geerida. (25)
Verse 26
ﯧﯨﯩﯪﯫ
ﯬ
Wuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda. (26)
Verse 27
Waxaana u waxyoonay ku Samee Doon Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku, Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne. (27)
Verse 28
Markaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah. (28)
Verse 29
Waxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee. (29)
Verse 30
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama. (30)
Verse 31
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
ﭸ
Markaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale. (31)
Verse 32
Waxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn. (32)
Verse 33
waxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan. (33)
Verse 34
Haddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen. (34)
Verse 35
ma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin soo Boxin. (35)
Verse 36
ﯖﯗﯘﯙﯚ
ﯛ
Waa Fogtahay oo Fogtahay waxa laydinku Goodin. (36)
Verse 37
Ma aha waxaan Noloshanada Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin. (37)
Verse 38
Mana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn. (38)
Verse 39
ﯴﯵﯶﯷﯸ
ﯹ
Wuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda. (39)
Verse 40
ﯺﯻﯼﯽﯾ
ﯿ
Wuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda. (40)
Verse 41
Waxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta. (41)
Verse 42
ﰊﰋﰌﰍﰎﰏ
ﰐ
Markaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale. (42)
Verse 43
Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto. (43)
Verse 44
Markaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn. (44)
Verse 45
Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad. (45)
Verse 46
Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen Qoom is korraysiiya. (46)
Verse 47
waxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo. (47)
Verse 48
ﮉﮊﮋﮌ
ﮍ
Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay. (48)
Verse 49
ﮎﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan. (49)
Verse 50
Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh. (50)
Verse 51
Rasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye. (51)
Verse 52
Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada. (52)
Verse 53
Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin. (53)
Verse 54
ﯣﯤﯥﯦﯧ
ﯨ
ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo. (54)
Verse 55
ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah. (55)
Verse 56
Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga. (56)
Verse 57
kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid. (57)
Verse 58
ﰂﰃﰄﰅﰆ
ﰇ
kuwa uun Aayaadka Eebahood Rumeeya. (58)
Verse 59
ﰈﰉﰊﰋﰌ
ﰍ
kuwa uun Eebahood aan la Wadaajinin. (59)
Verse 60
kuwa Bixin waxa la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon. (60)
Verse 61
Kuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay. (61)
Verse 62
kuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana. (62)
Verse 63
waxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali. (63)
Verse 64
Markaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan. (64)
Verse 65
(Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree. (65)
Verse 66
Waxay ahayd Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib ugu noqda (Xaqa Diida). (66)
Verse 67
ﮝﮞﮟﮠ
ﮡ
Idinkoo isku Kibrin Quraanka (ama Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo Hadal Xun. (67)
Verse 68
Miyeyna Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore. (68)
Verse 69
Mise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi. (69)
Verse 70
Mise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici. (70)
Verse 71
Hadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka. (71)
Verse 72
Mise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u Khayr Badan Arzaaqe. (72)
Verse 73
ﯿﰀﰁﰂﰃ
ﰄ
Adiguna waxaad ugu Yeedhi Jid Toosan. (73)
Verse 74
Kuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan. (74)
Verse 75
Haddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi Xumaantooda iyagoo ku Indho la'. (75)
Verse 76
Waxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana Khushuucin. (76)
Verse 77
Markaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay Quustaan. (77)
Verse 78
Eebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe). (78)
Verse 79
Eebe waa Kan idinka Abuuray Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina. (79)
Verse 80
Eebe waa Kan wax Nooleeya, waxna Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn. (80)
Verse 81
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii). (81)
Verse 82
Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin. (82)
Verse 83
Waa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan warkii hore ahayn. (83)
Verse 84
Waxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin. (84)
Verse 85
ﯛﯜﯝﯞﯟﯠ
ﯡ
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn. (85)
Verse 86
Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn. (86)
Verse 87
ﯫﯬﯭﯮﯯﯰ
ﯱ
Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan Dhawrsanayn. (87)
Verse 88
Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin. (88)
Verse 89
ﰁﰂﰃﰄﰅﰆ
ﰇ
Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri. (89)
Verse 90
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal. (90)
Verse 91
Ma yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa) Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami. (91)
Verse 92
ﭲﭳﭴﭵﭶﭷ
ﭸ
Waa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin. (92)
Verse 93
ﭹﭺﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
Waxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay. (93)
Verse 94
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Eebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah. (94)
Verse 95
Annaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa. (95)
Verse 96
ee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi). (96)
Verse 97
Waxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta. (97)
Verse 98
ﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Waxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu. (98)
Verse 99
Markuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya. (99)
Verse 100
Waxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin. (100)
Verse 101
Marka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan. (101)
Verse 102
ﯱﯲﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Ciddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay. (102)
Verse 103
Ciddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari. (103)
Verse 104
ﰃﰄﰅﰆﰇﰈ
ﰉ
Waxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran. (104)
Verse 105
(Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen. (105)
Verse 106
Waxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii, waxaana ahayn Qaar Dhunsan. (106)
Verse 107
Eebow naga Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah. (107)
Verse 108
ﭫﭬﭭﭮﭯ
ﭰ
Wuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina. (108)
Verse 109
Waxaa Jirtay in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone. (109)
Verse 110
Waxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna Qoslayseen. (110)
Verse 111
Waan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay. (111)
Verse 112
Wuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka. (112)
Verse 113
Waxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya «Malaa'gta». (113)
Verse 114
Wuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin. (114)
Verse 115
ma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo Celinayn. (115)
Verse 116
Waxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh. (116)
Verse 117
Ciddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo lahayn Xisaabtiisu waa uun Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo. (117)
Verse 118
Waxaad Dhahdaa Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa Naxariiste u Khayr Roone. (118)
تقدم القراءة