Turjumaada Suuradda الشعراء ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑ
ﭒ
Waxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay. (1)
Verse 2
ﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Taasi waa Aayadihii Kitaabka Cad. (2)
Verse 3
ﭘﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Waxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa. (3)
Verse 4
Haddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo. (4)
Verse 5
Waxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada. (5)
Verse 6
Waxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen. (6)
Verse 7
Miyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican. (7)
Verse 8
Taasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa). (8)
Verse 9
ﮖﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Eebahaana Waa Adkaade Naxariista. (9)
Verse 10
(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah. (10)
Verse 11
ﮥﮦﮧﮨﮩ
ﮪ
Qoomka Fircoon, Maydhawrsadaan. (11)
Verse 12
ﮫﮬﮭﮮﮯﮰ
ﮱ
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan. (12)
Verse 13
Ooy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun. (13)
Verse 14
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Waxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan. (14)
Verse 15
Wuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina. (15)
Verse 16
ee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka. (16)
Verse 17
ﯵﯶﯷﯸﯹ
ﯺ
Ee Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga. (17)
Verse 18
Wuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin. (18)
Verse 19
Ood Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii). (19)
Verse 20
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn. (20)
Verse 21
Waana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul). (21)
Verse 22
Taasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil. (22)
Verse 23
ﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Fircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka. (23)
Verse 24
Wuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan). (24)
Verse 25
ﭾﭿﮀﮁﮂ
ﮃ
Wuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan. (25)
Verse 26
ﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore. (26)
Verse 27
Wuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay. (27)
Verse 28
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan. (28)
Verse 29
Wuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan. (29)
Verse 30
ﮦﮧﮨﮩﮪ
ﮫ
Wuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna. (30)
Verse 31
Wuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi. (31)
Verse 32
ﯕﯖﯗﯘﯙﯚ
ﯛ
Markaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda. (32)
Verse 33
ﯜﯝﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Wuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi. (33)
Verse 34
Wuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer. (34)
Verse 35
Doonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan. (35)
Verse 36
Waxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya. (36)
Verse 37
ﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Ha kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer. (37)
Verse 38
ﰁﰂﰃﰄﰅ
ﰆ
Waxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan. (38)
Verse 39
ﰇﰈﰉﰊﰋ
ﰌ
Waxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan. (39)
Verse 40
Inaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan. (40)
Verse 41
Markay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno. (41)
Verse 42
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
Wuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow. (42)
Verse 43
Wuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan. (43)
Verse 44
Waxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan. (44)
Verse 45
Markaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen. (45)
Verse 46
ﮈﮉﮊ
ﮋ
waxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed. (46)
Verse 47
ﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Waxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka. (47)
Verse 48
ﮑﮒﮓ
ﮔ
Eebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun. (48)
Verse 49
Wuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin. (49)
Verse 50
Waxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa. (50)
Verse 51
waxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa). (51)
Verse 52
Waxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye. (52)
Verse 53
ﯭﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Markaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya. (53)
Verse 54
ﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Isagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar. (54)
Verse 55
ﯸﯹﯺ
ﯻ
Wayna Na cadho Galiyeen. (55)
Verse 56
ﯼﯽﯾ
ﯿ
Waxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon. (56)
Verse 57
ﰀﰁﰂﰃ
ﰄ
Waxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo. (57)
Verse 58
ﰅﰆﰇ
ﰈ
Iyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican. (58)
Verse 59
ﰉﰊﰋﰌﰍ
ﰎ
Waxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil. (59)
Verse 60
ﰏﰐ
ﰑ
Markaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii. (60)
Verse 61
Markay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay. (61)
Verse 62
Wuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin. (62)
Verse 63
Waxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale. (63)
Verse 64
ﭱﭲﭳ
ﭴ
Waana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon). (64)
Verse 65
ﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
Waxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan. (65)
Verse 66
ﭻﭼﭽ
ﭾ
Ka dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale. (66)
Verse 67
Arrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn. (67)
Verse 68
ﮉﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Eebahaana waa Adkaade Naxariista, (68)
Verse 69
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Ku Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim. (69)
Verse 70
ﮔﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan. (70)
Verse 71
ﮛﮜﮝﮞﮟﮠ
ﮡ
Waxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada. (71)
Verse 72
ﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Wuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan. (72)
Verse 73
ﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Mase idin Anfaci ama idin Dhibi. (73)
Verse 74
ﮭﮮﮯﮰﮱﯓ
ﯔ
Waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali. (74)
Verse 75
ﯕﯖﯗﯘﯙ
ﯚ
Wuxuu Yidhi Bal ka Warrama waxaad Caabudaysaan. (75)
Verse 76
ﯛﯜﯝ
ﯞ
Idinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey. (76)
Verse 77
ﯟﯠﯡﯢﯣﯤ
ﯥ
Iyagu Col Bay ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee. (77)
Verse 78
ﯦﯧﯨﯩ
ﯪ
Ee Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin. (78)
Verse 79
ﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Kan I Quudin ee I Waraabin. (79)
Verse 80
ﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Markaan Bukoodana Isagaa I Caafiya. (80)
Verse 81
ﯵﯶﯷﯸ
ﯹ
Waana kan I dili Ina Noolayn. (81)
Verse 82
Ee ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta. (82)
Verse 83
ﰃﰄﰅﰆﰇﰈ
ﰉ
Eebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban. (83)
Verse 84
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Iina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe. (84)
Verse 85
ﭘﭙﭚﭛﭜ
ﭝ
Igana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo. (85)
Verse 86
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
Una Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye. (86)
Verse 87
ﭥﭦﭧﭨ
ﭩ
Hana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka). (87)
Verse 88
ﭪﭫﭬﭭﭮﭯ
ﭰ
Maalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna. (88)
Verse 89
ﭱﭲﭳﭴﭵﭶ
ﭷ
Ruux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan). (89)
Verse 90
ﭸﭹﭺ
ﭻ
Waana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah). (90)
Verse 91
ﭼﭽﭾ
ﭿ
Waana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay. (91)
Verse 92
ﮀﮁﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Waxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen. (92)
Verse 93
Oo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan. (93)
Verse 94
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Waana lagu soo kulmin naarta (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay. (94)
Verse 95
ﮔﮕﮖ
ﮗ
Iyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan. (95)
Verse 96
ﮘﮙﮚﮛ
ﮜ
Waxayna odhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi. (96)
Verse 97
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Eebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad. (97)
Verse 98
ﮤﮥﮦﮧ
ﮨ
Markaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka. (98)
Verse 99
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Wax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro. (99)
Verse 100
ﮮﮯﮰﮱ
ﯓ
Mana Lihin wax Noo Shafeeca. (100)
Verse 101
ﯔﯕﯖ
ﯗ
Iyo Saaxiib Dhaw. (101)
Verse 102
Ee hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin. (102)
Verse 103
Taas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa). (103)
Verse 104
ﯪﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (104)
Verse 105
ﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii. (105)
Verse 106
Markuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn. (106)
Verse 107
ﯽﯾﯿﰀ
ﰁ
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (107)
Verse 108
ﰂﰃﰄ
ﰅ
Ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (108)
Verse 109
Idinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (109)
Verse 110
ﰓﰔﰕ
ﰖ
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (110)
Verse 111
ﰗﰘﰙﰚﰛﰜ
ﰝ
Waxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun). (111)
Verse 112
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Wuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali. (112)
Verse 113
Xisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan. (113)
Verse 114
ﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Anuguna ma Eryayo Mu'miniinta. (114)
Verse 115
ﭦﭧﭨﭩﭪ
ﭫ
Waxaan u Dige Cad ahayna ma ihi. (115)
Verse 116
Waxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo. (116)
Verse 117
ﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
Wuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen. (117)
Verse 118
Ee Nakala Xukun Dhexdanada, igana kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah. (118)
Verse 119
ﮅﮆﮇﮈﮉﮊ
ﮋ
Waxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday. (119)
Verse 120
ﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Ka Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii). (120)
Verse 121
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. (121)
Verse 122
ﮛﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (122)
Verse 123
ﮡﮢﮣ
ﮤ
Waxay Beeniyeen Caad Rasuulladii. (123)
Verse 124
Markuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn. (124)
Verse 125
ﮭﮮﮯﮰ
ﮱ
Anigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (125)
Verse 126
ﯓﯔﯕ
ﯖ
Ee ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca. (126)
Verse 127
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (127)
Verse 128
ﯤﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Miyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari. (128)
Verse 129
ﯪﯫﯬﯭ
ﯮ
Ood Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed. (129)
Verse 130
ﯯﯰﯱﯲ
ﯳ
Haddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran. (130)
Verse 131
ﯴﯵﯶ
ﯷ
ee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca. (131)
Verse 132
ﯸﯹﯺﯻﯼ
ﯽ
Kana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin. (132)
Verse 133
ﯾﯿﰀ
ﰁ
Wuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur. (133)
Verse 134
ﰂﰃ
ﰄ
Iyo Beero iyo Ilo. (134)
Verse 135
ﰅﰆﰇﰈﰉﰊ
ﰋ
Waxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn. (135)
Verse 136
Waxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa. (136)
Verse 137
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Kanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn. (137)
Verse 138
ﭗﭘﭙ
ﭚ
Nalamana Cadaabayo. (138)
Verse 139
Wayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn. (139)
Verse 140
ﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (140)
Verse 141
ﭮﭯﭰ
ﭱ
Waxay Beenisay Thamuud Rasuulladii. (141)
Verse 142
Markuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan. (142)
Verse 143
ﭺﭻﭼﭽ
ﭾ
Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah. (143)
Verse 144
ﭿﮀﮁ
ﮂ
ee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca. (144)
Verse 145
Idinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (145)
Verse 146
ﮐﮑﮒﮓﮔ
ﮕ
Ma waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina. (146)
Verse 147
ﮖﮗﮘ
ﮙ
Oo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda). (147)
Verse 148
ﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Iyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay. (148)
Verse 149
ﮟﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Ood ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan. (149)
Verse 150
ﮥﮦﮧ
ﮨ
Ee Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca. (150)
Verse 151
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Hana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha. (151)
Verse 152
ﮮﮯﮰﮱﯓﯔ
ﯕ
ah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn. (152)
Verse 153
ﯖﯗﯘﯙﯚ
ﯛ
Waxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray. (153)
Verse 154
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi. (154)
Verse 155
Wuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinbaad Cabbaysaan la Yaqaan. (155)
Verse 156
Ee ha ku Taabanina Xumaan, oo idin qabto Cadaab Maalin wayn. (156)
Verse 157
ﯺﯻﯼ
ﯽ
Wayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya. (157)
Verse 158
Waxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa). (158)
Verse 159
ﰋﰌﰍﰎﰏ
ﰐ
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (159)
Verse 160
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Waxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii. (160)
Verse 161
Markuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn. (161)
Verse 162
ﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (162)
Verse 163
ﭣﭤﭥ
ﭦ
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (163)
Verse 164
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (164)
Verse 165
ﭴﭵﭶﭷ
ﭸ
Ma waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka. (165)
Verse 166
Ood ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba. (166)
Verse 167
Waxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo. (167)
Verse 168
ﮏﮐﮑﮒﮓ
ﮔ
Wuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay. (168)
Verse 169
ﮕﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Eebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan. (169)
Verse 170
ﮛﮜﮝ
ﮞ
Waana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan. (170)
Verse 171
ﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Habar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii). (171)
Verse 172
ﮤﮥﮦ
ﮧ
Markaasaan Halaagnay Intii kale. (172)
Verse 173
Waxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay. (173)
Verse 174
Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn. (174)
Verse 175
ﯛﯜﯝﯞﯟ
ﯠ
Eebhaana waa Adkaade Naxariista. (175)
Verse 176
ﯡﯢﯣﯤ
ﯥ
Waxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii. (176)
Verse 177
ﯦﯧﯨﯩﯪﯫ
ﯬ
Markuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn. (177)
Verse 178
ﯭﯮﯯﯰ
ﯱ
Waxaan idiin ahay Rasuul Aaminee. (178)
Verse 179
ﯲﯳﯴ
ﯵ
ee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca. (179)
Verse 180
Idinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi. (180)
Verse 181
Oofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya. (181)
Verse 182
ﰋﰌﰍ
ﰎ
Una Miisama Cadaalad Toosan. (182)
Verse 183
Hana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin. (183)
Verse 184
ﭑﭒﭓﭔﭕ
ﭖ
Kana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey. (184)
Verse 185
ﭗﭘﭙﭚﭛ
ﭜ
Waxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray. (185)
Verse 186
Mana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah. (186)
Verse 187
ee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi. (187)
Verse 188
ﭱﭲﭳﭴﭵ
ﭶ
Wuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan. (188)
Verse 189
Wayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn. (189)
Verse 190
Arrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn. (190)
Verse 191
ﮍﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Eebahaana waa Adkaade Naxariista. (191)
Verse 192
ﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Quraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka. (192)
Verse 193
ﮘﮙﮚﮛ
ﮜ
Waxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil). (193)
Verse 194
ﮝﮞﮟﮠﮡ
ﮢ
Qalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga. (194)
Verse 195
ﮣﮤﮥ
ﮦ
Af Carabi ahoo Cad. (195)
Verse 196
ﮧﮨﮩﮪ
ﮫ
Quraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore. (196)
Verse 197
Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil (197)
Verse 198
ﯗﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Haddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis. (198)
Verse 199
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
oo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen. (199)
Verse 200
ﯤﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Saasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha. (200)
Verse 201
Mana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran. (201)
Verse 202
ﯲﯳﯴﯵﯶ
ﯷ
Oo ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn. (202)
Verse 203
ﯸﯹﯺﯻ
ﯼ
Oy Dhahaan ma nala Sugi. (203)
Verse 204
ﯽﯾ
ﯿ
Ma Cadaabkanagay Dadajisan. (204)
Verse 205
ﰀﰁﰂﰃ
ﰄ
Ka Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin. (205)
Verse 206
ﰅﰆﰇﰈﰉ
ﰊ
Markaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey. (206)
Verse 207
ﭑﭒﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
Muxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey. (207)
Verse 208
Magaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto. (208)
Verse 209
ﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
Waano Darteed, mana nihin Daalimiin. (209)
Verse 210
ﭥﭦﭧﭨ
ﭩ
Kumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu. (210)
Verse 211
ﭪﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Kumana Habboona mana Karaan. (211)
Verse 212
ﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Shayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin. (212)
Verse 213
Ee ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo. (213)
Verse 214
ﭿﮀﮁ
ﮂ
Una Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw. (214)
Verse 215
ﮃﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Una Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah. (215)
Verse 216
Hadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan. (216)
Verse 217
ﮒﮓﮔﮕ
ﮖ
Talo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista. (217)
Verse 218
ﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Ee ku Arka Markaad Kici. (218)
Verse 219
ﮜﮝﮞ
ﮟ
Iyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan. (219)
Verse 220
ﮠﮡﮢﮣ
ﮤ
Eebana waa Maqle Og. (220)
Verse 221
ﮥﮦﮧﮨﮩﮪ
ﮫ
Ma idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu. (221)
Verse 222
ﮬﮭﮮﮯﮰ
ﮱ
Waxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan. (222)
Verse 223
ﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Waxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal. (223)
Verse 224
ﯘﯙﯚ
ﯛ
Gabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah. (224)
Verse 225
Miyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin. (225)
Verse 226
ﯤﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Oyna Sheegi waxayna Falayn. (226)
Verse 227
Kuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada). (227)
تقدم القراءة