Turjumaada Suuradda السجدة ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑ
ﭒ
waxay ku tusin mugjisada Quraanka (1)
Verse 2
soo dajinta Quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka xaggiisa. (2)
Verse 3
mise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku Eebahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa horeeya, si ay u hanuunaan, (3)
Verse 4
Eebe waa ka ku abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin Eebe ka sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn. (4)
Verse 5
amarka Eebaa ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana. (5)
Verse 6
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
kaasina waa Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista. (6)
Verse 7
Eebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka Dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa). (7)
Verse 8
markaas kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar. (8)
Verse 9
markaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba, waxyar baadse Eebe ku mahdisaan. (9)
Verse 10
waxay dhaheen Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen. (10)
Verse 11
waxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) Malaga mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin. (11)
Verse 12
haddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee naceli si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh). (12)
Verse 13
haddaan doono waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi dhammaan. (13)
Verse 14
ee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinii dartiis. (14)
Verse 15
waxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn). (15)
Verse 16
waxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya. (16)
Verse 17
ma oga Nafu waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay camalfalayeen dartiis. (17)
Verse 18
ruux Mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka. (18)
Verse 19
kuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa martiqaad waxay camal falayeen dartiis. (19)
Verse 20
kuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin jirteen. (20)
Verse 21
waxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed. (21)
Verse 22
yaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa. (22)
Verse 23
dhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin lakulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil. (23)
Verse 24
waxaana ka yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen, waxayna ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya. (24)
Verse 25
Eebahaabaana kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku diidan. (25)
Verse 26
Miyayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii, taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin. (26)
Verse 27
miyeyna arkeyn inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino Beero ay wax ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin. (27)
Verse 28
waxay dhihi waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan. (28)
Verse 29
waxaad dhahdaa maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lagamana sugo. (29)
Verse 30
ﯯﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Ee isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene. (30)
تقدم القراءة