Turjumaada Suuradda سبأ ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
mahad Eebaa iska leh ay awooddiisa kujiraan waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, mahadna isagaa muta aakharo iyo aduunba, waana falsame xeel dheer (waxwalba oge). (1)
Verse 2
wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soobixi iyo waxa ka soodagi samada iyo waxa u kori, waana naxariiste dambidhaafa ah. (2)
Verse 3
kuwii gaaloobay waxay dhaheen nooma imaaneyso saacadda (Qiyaame), waxaad dhahdaa saas ma aha ee Eebahay baan ku dhartey way idiin imaan, Eebahay waa wax maqan oge, wax darro la egna kagama qarsoona samooyinka iyo dhulka dhexdooda iyo wax waxaas ka yar iyo wax la weyn midna, wax walbana kitaab cad bey ku suganyihiin. (3)
Verse 4
Si Eebe u abaal mariyo kuwa rumeeyey (xaqa) oo camal fiican Falay kuwaasna waxay mudan dambi dhaaf iyo risqi wanaagsan. (4)
Verse 5
Kuwa u socda iney aayaadkanaga (kaleexdaan) iyagoo u maleyn iney daalin (Eebe) kuwaasi waxay mudan cadaab daran oo xun. (5)
Verse 6
Waxey arki kuwii cilmiga la siiyeyna (mu'miniinta) in waxa laga soo dajiyey xagga Eebe xaq yahey kuna hanuunin jidka Eebaha adkaada ee la mahdiyo. (6)
Verse 7
Waxey dhaheen kuwii gaaloobey maydin tusinaa nin idiin ka warrami in marka laydinkala geeyo (jidkiina) kala gayn dhamaanteed in abuur cusub leydin abuuri. (7)
Verse 8
Ma Eebuu ku been abuuran mase wuu waalanyahay, saas ma aha ee kuwaan rumeynin aakhiro waxay ku sugnaan cadaab iyo baadi fog. (8)
Verse 9
Miyeyna arkaynin waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo dhul ah hadaan doono waxaanu la goyn dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa goosimo samada kamid ah arintaasna aayadbaa ugu sugan adoonkastoo towbadkeen badan. (9)
Verse 10
Dhab ahaanbaan u siinay Nabi Daawuud fadli (dheeraad) xaganaga ah, waxaana nidhi buurahoow ka celceliya tasbiixda, shimbirahoowna (la celceliya tasbiixda,) waxaana u jilcinay birta. (10)
Verse 11
Waxaana ku nidhi ka samee diricyada (dharka dagaalka) sugna tixiddeeda wanaagna fala, waxaad faleeysaana waan arkaa. (11)
Verse 12
Nabi suleymaanna waxaan u Sakhirray dabeysha, kallahaadeedu waabil, carraabaheeduna waa bil, waxaan u dureeriney il Nuxaas ah (maar) Jinigana waxaa ka mid ah kuwo ku hor shaqeeya idanka Eebe, ruuxii ka mid ah oo ka iilata amarkanaga waxaan dhadhansiineeynaa cadaabka saciiro. (12)
Verse 13
Waxay u sameyn suleymaan wuxuu doono oo mixraabyo (Fooqaq) iyo suurooyin, iyo xeedhooyin dar oo kale ah, iyo dharyo sugan, waxaana ku nidhi fala ehelka Daawuudow mahadnaq, waxaana yar adoomadayda shugriga badan. (13)
Verse 14
Markaan geerida ku xukunay Nabi suleymaan wax tusiyey geeridiisa ma jiro oon ahayn aboorka cunay ushiisa, markuu dhacay yaa waxaa u cadaaday jinigii hadey waxa maqan ogyihiin ineyna ku nagaadeen cadaab wax duleeya (shaqadiisa darteed). (14)
Verse 15
Guryihii reer sabaad waxaa ku sugnayd calaamo, Beeraana ka xigay xaga midig iyo xagga bidixba, waxaana Eebe ku yidhi cuna risqiga Eebihiin kuna mahadiya, waa balad wanaagsan iyo Eebe dambi dhaafbadane. (15)
Verse 16
Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah. (16)
Verse 17
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinaa kuwa gaalnimada badan. (17)
Verse 18
Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah. (18)
Verse 19
Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan. (19)
Verse 20
Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee. (20)
Verse 21
Mu'miniinta awood kuma laha ibliis wax kalana uma aanaan yeelin inay kala muuqato ruuxa rumeeyey Aakhiro iyo kan ka shakisan xaggeeda. Eebahaana wax walba waa ilaaliye. (21)
Verse 22
Waxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheegateen Eebe ka sokow (iney ilaahyihiin) kuma hantaan darro wax la eg samooyinka iyo dhulka midna, wax wadaag ahna «shirkadna» kumalch dhexdooda Eebe wax u kaalmeeyana kuma laha khaliqiga. (22)
Verse 23
Kumana anfacdo shafeeco Eebe agtiisa, ruuxuusan idmin. Markase laga faydo argagaxa quluubtooda waxay dhihi muxuuyidhi Eebihiin, markaasay dhihi kuwa shafeeci wuxuu yidhi xaq waana Eebaha sarreeya. ee weyn. (23)
Verse 24
Waxaad dhahdaa yaa idinka arsaaqa samooyinka iyo dhulka, waxaad dhahdaa Eebe, anaga iyo idinka mid unbaa hanuunsan ama baadicad ku sugan. (24)
Verse 25
Waxaad dhahdaa laydin warsan maayo waxaan dambaabney anagana nalama warsado waxaad camalfaleysaan. (25)
Verse 26
Waxaad dhahdaa waxaa ina kulmin Eebaheen, markaasuu ina kala xukumin si xaqa ah. waana caadil wax walba og. (26)
Verse 27
waxaad dhahdaa i tusiya kuwaas Eebe haleeshiiseen oo shurako ah (wax la wadaago) saas ma aha ee Eebe waa adkaade falsan. (27)
Verse 28
Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu'miniinta, una digi gaalada, laakiin dadka badidiisu ma oga. (28)
Verse 29
Waxayna dhihi waa goorma yaboohaasi (soobixinta) hadaad run sheegaysaan. (29)
Verse 30
Waxaad dhahdaa waxaa idiin sugnaaday Waqti aydaan saacad ka dib dhacaynin kana hor dhacaynin. (30)
Verse 31
Waxay dheheenna kuwii galoobay rumeynmayno quraankan iyo kuwii ka horreeyey midna, hadaad arki labayd daalimiinta oo taagan Eebe agtiisa (qiyaamada) oo qaarkood qaarka kale hadal u celin ooy ku dhihi kuwii raaciyadda ahaa kuwii madaxda ahaa ee isla wayna, hadaydaan jirin waxaan ahaan laheyn Mu'miniin. (waxaad arki laheyd arin weyn oo lala yaabo). (31)
Verse 32
Kuwii iskibriyey (Madaxdii) waxay ku dhaheen kuwii tabarta yaraa (Raaciyaddii) ma anagaa idinka celinay hanuunka markuu idiinyimid saas ma ah ee idinkaa danbiilayaal ahaa. (32)
Verse 33
Kuwii tabarta yaraa (raaciyaddii) waxay ku dhaheen kuwii iskibriyay (Madaxdii) saas ma aha ee waxaa hanuunka naga celiyay dhagartii Habeen iyo Maalinba markaad nafarayseen inaan Eebe ka gaalowno una yeelo shariigyo, Waxay qarsadeen qoomarno markay arkeen cadaabka, Waxaana yeelay kuwii gaaloobay luquntooda Biro Naar ah. Miyaa laga abaalmarinin gaaladu waxay camal faleen mooyee. (33)
Verse 34
Magaalo kasta oo aan dige (Nabi) u dirro waxay dhahaan kuwoodii loo nicmeeyay anagu waxa laydiinku soo diray waan ka gaalownay. (34)
Verse 35
Waxayna dhaheen anagaa xoolo iyo Caruurba idinka badan, nalamana cadaabayo. (35)
Verse 36
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu u fidiyaa rizqiga ruxuu doono, wuuna ku cidhidhhiyaa ruxuu doono, laakiin dadka badankiisu ma oga. (36)
Verse 37
Ma aha xoolahiinnu iyo caruurtiinnu kuwii noo kiin dhaweeya, hase yeeshee ruuxii rumeeya (xaqa) oo camal fiican cala, kuwaas waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah camalkooda dartiis, waxayna ku aamin noqdaan qawlado janno. (37)
Verse 38
Kuwa u socda ka (reebidda) aayaadkanaga iyagoo isleh Eebe daaliya, kuwaas waxaa lagu kulmin cadaab. (38)
Verse 39
Waxaad dhahdaa Eebehay wuxuu risqiga u fidiyaa cidduu doono oo addoomadiisa ka mid ah, kuu doonana wuu ku cidhiidhyaa, waxaad bixisaan oo kastana Eebaa idiin bedeli, Eebena isagaa u khayroon wax wax arsaaqa. (39)
Verse 40
Xusuuso maalinta uu Eebe kulmin dhamaan gaalada, markaas uu ku odhan malaa'igtiisa kuwani ma idinkay idin caabudi jireen. (40)
Verse 41
Markaas ay dhihi adaa ceeb ka fog Eebow, adaa gargaarahanaga ah iyaga ka sokay, waxayse caabudi jireen Jinni badidoodna isagay rumaysnaayeen. (41)
Verse 42
Maantase «Qiyaamada» uma hanato qaarkiin qaarkakale naefi iyo dhib midna. waxaana ku dhahaynaa kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka naartaad beeninayseen. (42)
Verse 43
Marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga waxay dhahayaan kani ma aha mid dooni inuu idinka iilo waxay Aabbayowgiin caabudijireen mooyee, waxayna dheheen kan (quraanku) ma aha waxaan beenabuurasho ahayn, waxayna dhaheen kuwii Gaaloobay Xaqu markuu u yimid kani waxaan sixir muuqda ahayn ma aha. (43)
Verse 44
Ma aanaan siinin Kutubo ay akhriyaan, umana aanaan dirin xagooda dige kaa horreeyay (Carabta). (44)
Verse 45
Waxay beeniyeen (xaqa) kuwii ka horreeeyayna, mana gaadhin (kuwii Nabiga beeniyay) Toban meelood meel waxaan siinay kuwaas, waxayna beeniyeen Rasuuladaydii, Sayse noqotay ciqaabtaydii (aan ciqaabay kuwaas xaqa beeniyay). (45)
Verse 46
Waxaad dhahdaa Nabiyow mid kaliya yaan idinku waanin inaad u jahaysataan Eebe laba labo iyo mid mid markaasna aad fikirtaan inaan saaxiibkiin «Nabiga Muxamed ah» uusan waallayn, uu digihiinna cadaab daran hortiisna uu yahay, (46)
Verse 47
Waxaad dhahdaa Nabiyow idiinma warsanin ujuuro idinkaase iskalch (haii laydin warsado), Ujuuradayda Eebe unbaa isiin, wax walbana Eebe wuu daalacan. (47)
Verse 48
Waxaad dhahdaa Eebehay xaquu soo dajiyaan (Xumaanta ku baaabi'iyaa) waana wax maqan oge badane. (48)
Verse 49
Waxaad dhahdaa xaqii waa yimid, baadhilna wa tirtirmay, (49)
Verse 50
Waxaad dhahdaa haddaandhumo waxaad uun u dhumay naftayda, hadaan hanuunana waa wixii Eebe ii waxyooday, sababtiisa Eebe waa maqli dhawe. (50)
Verse 51
Hadaad arki lahayd Nabiyow markay argagaxaan gaaladu oo meeley u cararaan jirin oo meel dhaw laga qabto, (waxaad arki lahayd arrin wayn). (51)
Verse 52
Waxay dhihi markaas waxaan rumaynay (xaqa) xagay uga ahaan inay meel fog wax ku qaataan (rumayn). (52)
Verse 53
Dhab ahaanna waa iyagii uga gaaloobay xaqa, horray ay ka tuurayeen waxayan ogayn meel fog. (53)
Verse 54
Waana la kala ooday iyaga iyo waxay doonayeen sidii lagu falay kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay, waxayna ahaayeen kuwo shaki daran ku sugan. (54)
تقدم القراءة