Turjumaada Suuradda نوح ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed. (1)
Verse 2
ﮇﮈﮉﮊﮋﮌ
ﮍ
Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda» (2)
Verse 3
ﮎﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca. (3)
Verse 4
Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin. (4)
Verse 5
Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar. (5)
Verse 6
ﮱﯓﯔﯕﯖ
ﯗ
Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn. (6)
Verse 7
Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan. (7)
Verse 8
ﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa» (8)
Verse 9
Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray. (9)
Verse 10
ﯴﯵﯶﯷﯸﯹ
ﯺ
Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance. (10)
Verse 11
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Cirkana Roob badan ha idinka keenee. (11)
Verse 12
Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal. (12)
Verse 13
ﭠﭡﭢﭣﭤﭥ
ﭦ
Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen. (13)
Verse 14
ﭧﭨﭩ
ﭪ
Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan. (14)
Verse 15
Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran. (15)
Verse 16
Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad. (16)
Verse 17
ﭼﭽﭾﭿﮀ
ﮁ
Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka. (17)
Verse 18
ﮂﮃﮄﮅﮆ
ﮇ
Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona. (18)
Verse 19
ﮈﮉﮊﮋﮌ
ﮍ
Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol. (19)
Verse 20
ﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn. (20)
Verse 21
(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin. (21)
Verse 22
ﮡﮢﮣ
ﮤ
Dhagar waynna way Dhakreen. (22)
Verse 23
Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri. (23)
Verse 24
Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn. (24)
Verse 25
Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare, (25)
Verse 26
Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna. (26)
Verse 27
Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn. (27)
Verse 28
Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Rag iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn. (28)
تقدم القراءة