Turjumaada Suuradda القيامة ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Waxaan ku dhaaran maalinta qiyaame. (1)
Verse 2
ﮏﮐﮑﮒ
ﮓ
Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin). (2)
Verse 3
ﮔﮕﮖﮗﮘ
ﮙ
Ma wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa. (3)
Verse 4
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Saas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa. (4)
Verse 5
ﮡﮢﮣﮤﮥ
ﮦ
Wuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya. (5)
Verse 6
ﮧﮨﮩﮪ
ﮫ
Wuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame. (6)
Verse 7
ﮬﮭﮮ
ﮯ
Markase Araggu Wareero (Taagmo). (7)
Verse 8
ﮰﮱ
ﯓ
Dayuxuna Madoobaado. (8)
Verse 9
ﯔﯕﯖ
ﯗ
Lana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa. (9)
Verse 10
ﯘﯙﯚﯛﯜ
ﯝ
Wuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa. (10)
Verse 11
ﯞﯟﯠ
ﯡ
Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee). (11)
Verse 12
ﯢﯣﯤﯥ
ﯦ
Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan. (12)
Verse 13
ﯧﯨﯩﯪﯫﯬ
ﯭ
Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday. (13)
Verse 14
ﯮﯯﯰﯱﯲ
ﯳ
Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri. (14)
Verse 15
ﯴﯵﯶ
ﯷ
Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto). (15)
Verse 16
ﯸﯹﯺﯻﯼﯽ
ﯾ
Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiiso). (16)
Verse 17
ﯿﰀﰁﰂ
ﰃ
Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi. (17)
Verse 18
ﰄﰅﰆﰇ
ﰈ
Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa. (18)
Verse 19
ﰉﰊﰋﰌ
ﰍ
Annagaana isasaarray Cadaayntiisa. (19)
Verse 20
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada). (20)
Verse 21
ﭖﭗ
ﭘ
Waxaadna ka tagaysaan aakhiro. (21)
Verse 22
ﭙﭚﭛ
ﭜ
Wajiyaal Maalintaas way ifi. (22)
Verse 23
ﭝﭞﭟ
ﭠ
Eebeheedna way Eegi. (23)
Verse 24
ﭡﭢﭣ
ﭤ
Wajiyaalna Maalintaas way kaduudsami. (24)
Verse 25
ﭥﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Waxayna hubtaa in lugu fali Balaayo. (25)
Verse 26
ﭫﭬﭭﭮ
ﭯ
Saas ma aha ee markay naftu gaadho Dhuunta (Waqtiga Geerida). (26)
Verse 27
ﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Oo la Dhoho yaa ku tufi. (27)
Verse 28
ﭵﭶﭷ
ﭸ
Oo uu Yaqiinsado inuu Dhiman. (28)
Verse 29
ﭹﭺﭻ
ﭼ
Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis). (29)
Verse 30
ﭽﭾﭿﮀ
ﮁ
Eebahaa Xaggiisaa la aadi. (30)
Verse 31
ﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Mase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin. (31)
Verse 32
ﮇﮈﮉ
ﮊ
Laakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday. (32)
Verse 33
ﮋﮌﮍﮎﮏ
ﮐ
Wuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan. (33)
Verse 34
ﮑﮒﮓ
ﮔ
Halaag Buuse Mutaa. (34)
Verse 35
ﮕﮖﮗﮘ
ﮙ
Haddana Halaagbuu Mutaa. (35)
Verse 36
ﮚﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Ma wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan). (36)
Verse 37
ﮠﮡﮢﮣﮤﮥ
ﮦ
Miyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo. (37)
Verse 38
ﮧﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Markaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana. (38)
Verse 39
ﮭﮮﮯﮰﮱ
ﯓ
Kana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig. (39)
Verse 40
Eebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay. (40)
تقدم القراءة