Turjumaada Suuradda الصافات ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒ
ﭓ
(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan. (1)
Verse 2
ﭔﭕ
ﭖ
Iyo tan kaxaysa daruuraha. (2)
Verse 3
ﭗﭘ
ﭙ
Iyo tan akhrida Quraanka. (3)
Verse 4
ﭚﭛﭜ
ﭝ
Ee ilaahiin waa mid (qudha). (4)
Verse 5
Waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda. (5)
Verse 6
ﭦﭧﭨﭩﭪﭫ
ﭬ
Annagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah. (6)
Verse 7
ﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Iyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag. (7)
Verse 8
Mana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta. (8)
Verse 9
ﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Iyagoo la eryi oo cadaab joogta ah usugnaaday. (9)
Verse 10
Marka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi. (10)
Verse 11
Waydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta. (11)
Verse 12
ﮙﮚﮛ
ﮜ
Waxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi. (12)
Verse 13
ﮝﮞﮟﮠ
ﮡ
Marka la waaniyana ma waantooban. (13)
Verse 14
ﮢﮣﮤﮥ
ﮦ
Hadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan. (14)
Verse 15
ﮧﮨﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Waxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha. (15)
Verse 16
Waxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin. (16)
Verse 17
ﯗﯘ
ﯙ
Ama aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin). (17)
Verse 18
ﯚﯛﯜﯝ
ﯞ
Waxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan. (18)
Verse 19
Xaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi. (19)
Verse 20
ﯧﯨﯩﯪﯫ
ﯬ
Waxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta. (20)
Verse 21
Waxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen. (21)
Verse 22
Kulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen. (22)
Verse 23
Oo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo. (23)
Verse 24
ﰆﰇﰈﰉ
ﰊ
Joojiyana waxbaa la waydiine. (24)
Verse 25
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin. (25)
Verse 26
ﭖﭗﭘﭙ
ﭚ
Saas ma aha ee maanta way isdhiibeen. (26)
Verse 27
ﭛﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
Wuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan. (27)
Verse 28
ﭡﭢﭣﭤﭥﭦ
ﭧ
Waxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga). (28)
Verse 29
ﭨﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
Waxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn. (29)
Verse 30
Wax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey. (30)
Verse 31
Markaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka). (31)
Verse 32
ﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Markaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn. (32)
Verse 33
ﮇﮈﮉﮊﮋ
ﮌ
Iyagu maalintaas cadaabkay wadaagi. (33)
Verse 34
ﮍﮎﮏﮐ
ﮑ
Annaguna saasaan kufalla dambiilayaasha. (34)
Verse 35
Waxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya. (35)
Verse 36
ﮝﮞﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan. (36)
Verse 37
ﮤﮥﮦﮧﮨ
ﮩ
Saas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray). (37)
Verse 38
ﮪﮫﮬﮭ
ﮮ
Idinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya). (38)
Verse 39
ﮯﮰﮱﯓﯔﯕ
ﯖ
Waxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo. (39)
Verse 40
ﯗﯘﯙﯚ
ﯛ
Addoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan). (40)
Verse 41
ﯜﯝﯞﯟ
ﯠ
Waxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno). (41)
Verse 42
ﯡﯢﯣ
ﯤ
Faakihadna way heli, iyagoo lagu sharti. (42)
Verse 43
ﯥﯦﯧ
ﯨ
Jannooyinka Naciima. (43)
Verse 44
ﯩﯪﯫ
ﯬ
Waxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili. (44)
Verse 45
ﯭﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Waxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano). (45)
Verse 46
ﯳﯴﯵ
ﯶ
Taasoo cad oo u macaan kuwa cabi. (46)
Verse 47
Mana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada). (47)
Verse 48
ﯿﰀﰁﰂ
ﰃ
Agtoodana waxaa ahaan haween dhoowrsoon oo indha waaweyn. (48)
Verse 49
ﰄﰅﰆ
ﰇ
Ood moodo ukun la dhowray. (49)
Verse 50
ﰈﰉﰊﰋﰌ
ﰍ
Wuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin. (50)
Verse 51
Wuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiib. (51)
Verse 52
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Wuxuu Dhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (52)
Verse 53
Ma markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin. (53)
Verse 54
ﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Wuxuuna dhihi mayla dayeeysaan. (54)
Verse 55
ﭣﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Markaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda. (55)
Verse 56
ﭩﭪﭫﭬﭭ
ﭮ
Wuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso). (56)
Verse 57
ﭯﭰﭱﭲﭳﭴ
ﭵ
Haddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (57)
Verse 58
ﭶﭷﭸ
ﭹ
(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin. (58)
Verse 59
ﭺﭻﭼﭽﭾﭿ
ﮀ
Geerideenii hore mooyee Ma nihin kuwo la cadaabayo. (59)
Verse 60
ﮁﮂﮃﮄﮅ
ﮆ
Taasina waa uun liibaanta wayn. (60)
Verse 61
ﮇﮈﮉﮊ
ﮋ
Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. (61)
Verse 62
ﮌﮍﮎﮏﮐﮑ
ﮒ
Mataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd). (62)
Verse 63
ﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Annagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta. (63)
Verse 64
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Waana geed kasoobaxda gunta jaxiimo. (64)
Verse 65
ﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Midhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan. (65)
Verse 66
ﮤﮥﮦﮧﮨﮩ
ﮪ
Iyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha. (66)
Verse 67
Waxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran. (67)
Verse 68
ﯔﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
Markaas waxay ku noqon jaxiimo. (68)
Verse 69
ﯚﯛﯜﯝ
ﯞ
Waxay heleen aabayaalkood oo baadi ah. (69)
Verse 70
ﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
Iyaguna raadkoodii bay ku dag dagi. (70)
Verse 71
ﯤﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Waxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore. (71)
Verse 72
ﯪﯫﯬﯭ
ﯮ
Waxaana udiraydhexdooda udigayaal. (72)
Verse 73
ﯯﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Ee eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay. (73)
Verse 74
ﯵﯶﯷﯸ
ﯹ
Hasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan). (74)
Verse 75
ﯺﯻﯼﯽﯾ
ﯿ
Waxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican. (75)
Verse 76
ﰀﰁﰂﰃﰄ
ﰅ
Waxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii). (76)
Verse 77
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Waxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun. (77)
Verse 78
ﭖﭗﭘﭙ
ﭚ
Waxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah). (78)
Verse 79
ﭛﭜﭝﭞﭟ
ﭠ
NabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato. (79)
Verse 80
ﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Saasaana ku abaal marinaa samafalayaalka. (80)
Verse 81
ﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Wuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa). (81)
Verse 82
ﭫﭬﭭ
ﭮ
Markaasaan maanshaynay kuwii kale, (82)
Verse 83
ﭯﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Waxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim. (83)
Verse 84
ﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
Markuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey). (84)
Verse 85
ﭻﭼﭽﭾﭿﮀ
ﮁ
Markuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan. (85)
Verse 86
ﮂﮃﮄﮅﮆ
ﮇ
Ma been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan. (86)
Verse 87
ﮈﮉﮊﮋ
ﮌ
Maxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka. (87)
Verse 88
ﮍﮎﮏﮐ
ﮑ
Markaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha. (88)
Verse 89
ﮒﮓﮔ
ﮕ
Wuxuuna yidhi waan bukaa. (89)
Verse 90
ﮖﮗﮘ
ﮙ
Markaasay katageen kana jeedsadeen. (90)
Verse 91
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Markaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn. (91)
Verse 92
ﮡﮢﮣﮤ
ﮥ
Maxaad leedihiin oydaan la hadlaynin. (92)
Verse 93
ﮦﮧﮨﮩ
ﮪ
Markaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay (93)
Verse 94
ﮫﮬﮭ
ﮮ
Wayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay). (94)
Verse 95
ﮯﮰﮱﯓ
ﯔ
Wuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen). (95)
Verse 96
ﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
Eebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan. (96)
Verse 97
Waxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka). (97)
Verse 98
ﯢﯣﯤﯥﯦ
ﯧ
Waxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday). (98)
Verse 99
ﯨﯩﯪﯫﯬﯭ
ﯮ
Wuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin. (99)
Verse 100
ﯯﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Eebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo). (100)
Verse 101
ﯵﯶﯷ
ﯸ
Waxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco. (101)
Verse 102
Markuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree. (102)
Verse 103
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Markay hogaansameen oo u lagday wajiga. (103)
Verse 104
ﭖﭗﭘ
ﭙ
Yaan udhawaaqnay Ibraahimow. (104)
Verse 105
Dhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha. (105)
Verse 106
ﭣﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Taasina waa imtixaan muuqda (oo weyn). (106)
Verse 107
ﭩﭪﭫ
ﭬ
Waxaana ku furanay loog weyn (wan). (107)
Verse 108
ﭭﭮﭯﭰ
ﭱ
Waxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame. (108)
Verse 109
ﭲﭳﭴ
ﭵ
Nabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato. (109)
Verse 110
ﭶﭷﭸ
ﭹ
Saasaana ku abaal marinaa samofalayaasha. (110)
Verse 111
ﭺﭻﭼﭽ
ﭾ
Wuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah. (111)
Verse 112
ﭿﮀﮁﮂﮃ
ﮄ
Waxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah. (112)
Verse 113
Waana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya. (113)
Verse 114
ﮑﮒﮓﮔﮕ
ﮖ
Dhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo). (114)
Verse 115
ﮗﮘﮙﮚﮛ
ﮜ
Waana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd. (115)
Verse 116
ﮝﮞﮟﮠ
ﮡ
Waana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey). (116)
Verse 117
ﮢﮣﮤ
ﮥ
waxaana siinay Kitaabkii caddaa. (117)
Verse 118
ﮦﮧﮨ
ﮩ
Waxaana ku hanuuninay Jidka toosan. (118)
Verse 119
ﮪﮫﮬﮭ
ﮮ
Waxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah). (119)
Verse 120
ﮯﮰﮱﯓ
ﯔ
Nabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda. (120)
Verse 121
ﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
Saasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala, (121)
Verse 122
ﯚﯛﯜﯝ
ﯞ
Waxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah. (122)
Verse 123
ﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
Ilyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada. (123)
Verse 124
ﯤﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Markuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn). (124)
Verse 125
ﯪﯫﯬﯭﯮ
ﯯ
Mawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya. (125)
Verse 126
ﯰﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
Ee ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore. (126)
Verse 127
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Markaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab). (127)
Verse 128
ﭕﭖﭗﭘ
ﭙ
Laakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr). (128)
Verse 129
ﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Waxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah). (129)
Verse 130
ﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Nabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa. (130)
Verse 131
ﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Saasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala. (131)
Verse 132
ﭩﭪﭫﭬ
ﭭ
Wuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah. (132)
Verse 133
ﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
Nabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray). (133)
Verse 134
ﭳﭴﭵﭶ
ﭷ
Xus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan. (134)
Verse 135
ﭸﭹﭺﭻ
ﭼ
marka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga. (135)
Verse 136
ﭽﭾﭿ
ﮀ
Ka dibna waxaan halaagnay intii kale. (136)
Verse 137
ﮁﮂﮃﮄ
ﮅ
Idinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga. (137)
Verse 138
ﮆﮇﮈﮉ
ﮊ
Iyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin. (138)
Verse 139
ﮋﮌﮍﮎ
ﮏ
Nabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray). (139)
Verse 140
ﮐﮑﮒﮓﮔ
ﮕ
Xus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday. (140)
Verse 141
ﮖﮗﮘﮙ
ﮚ
Oo uu qoriritay noqdayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray). (141)
Verse 142
ﮛﮜﮝﮞ
ﮟ
Kalluunna liqay isagoo ladagaalay. (142)
Verse 143
ﮠﮡﮢﮣﮤ
ﮥ
Hadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa). (143)
Verse 144
ﮦﮧﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Wuxuu kunagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka. (144)
Verse 145
ﮭﮮﮯﮰﮱ
ﯓ
Waxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka. (145)
Verse 146
ﯔﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
Waxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed). (146)
Verse 147
ﯚﯛﯜﯝﯞﯟ
ﯠ
Waxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan. (147)
Verse 148
ﯡﯢﯣﯤ
ﯥ
Wayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo. (148)
Verse 149
ﯦﯧﯨﯩﯪ
ﯫ
Waydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal. (149)
Verse 150
ﯬﯭﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Mise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen. (150)
Verse 151
ﯳﯴﯵﯶﯷ
ﯸ
Taasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen. (151)
Verse 152
ﯹﯺﯻﯼ
ﯽ
Eeba waa dhalay waana beenaalayaal. (152
Verse 153
ﯾﯿﰀﰁ
ﰂ
Ma wuxuu ka doortay gabdho wilasha. (153)
Verse 154
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Maxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan. (154)
Verse 155
ﭖﭗ
ﭘ
Miyeeydaan wax xusuusaneyn. (155)
Verse 156
ﭙﭚﭛﭜ
ﭝ
Mise waxaa idiin sugnaatay xujo cad. (156)
Verse 157
ﭞﭟﭠﭡﭢ
ﭣ
Keena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin. (157)
Verse 158
Waxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada). (158)
Verse 159
ﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Eebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan. (159)
Verse 160
ﭵﭶﭷﭸ
ﭹ
Laakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan). (160)
Verse 161
ﭺﭻﭼ
ﭽ
Idinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy). (161)
Verse 162
ﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Waxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe. (162)
Verse 163
ﮃﮄﮅﮆﮇ
ﮈ
Marka laga reebo kuwagali jaxiimo. (163)
Verse 164
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
ﮏ
Ruuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan. (164)
Verse 165
ﮐﮑﮒ
ﮓ
Waana safannahay (cibaado darteed). (165)
Verse 166
ﮔﮕﮖ
ﮗ
Waana tasbiixsanaa (qadarinEebe). (166)
Verse 167
ﮘﮙﮚ
ﮛ
Waxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha. (167)
Verse 168
ﮜﮝﮞﮟﮠﮡ
ﮢ
Hadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab). (168)
Verse 169
ﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Waxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban. (169)
Verse 170
ﮨﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Wayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca). (170)
Verse 171
ﮮﮯﮰﮱﯓ
ﯔ
Dhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii). (171)
Verse 172
ﯕﯖﯗ
ﯘ
In iyaga uun loo gargaari. (172)
Verse 173
ﯙﯚﯛﯜ
ﯝ
Iyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan), (173)
Verse 174
ﯞﯟﯠﯡ
ﯢ
Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (174)
Verse 175
ﯣﯤﯥ
ﯦ
Fiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca). (175)
Verse 176
ﯧﯨ
ﯩ
Macadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan. (176)
Verse 177
ﯪﯫﯬﯭﯮﯯ
ﯰ
Markuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay. (177)
Verse 178
ﯱﯲﯳﯴ
ﯵ
Ee kajeedso xagooda tan iyo muddo. (178)
Verse 179
ﯶﯷﯸ
ﯹ
Fiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca). (179)
Verse 180
ﯺﯻﯼﯽﯾﯿ
ﰀ
Waxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaamaan gaaladu (oo xun). (180)
Verse 181
ﰁﰂﰃ
ﰄ
Nabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda. (181)
Verse 182
ﰅﰆﰇﰈ
ﰉ
Mahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah. (182)
تقدم القراءة