Turjumaada Suuradda النبأ ee الصومالية ee الترجمة الصومالية
Verse 1
ﭑﭒ
ﭓ
Maxay iska waydiinayaan (Gaaladu). (1)
Verse 2
ﭔﭕﭖ
ﭗ
Warkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka). (2)
Verse 3
ﭘﭙﭚﭛ
ﭜ
Ay isku diiddanaayeen. (3)
Verse 4
ﭝﭞ
ﭟ
Saas ma aha ee way ogaan donaan. (4)
Verse 5
ﭠﭡﭢ
ﭣ
Haddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca). (5)
Verse 6
ﭤﭥﭦﭧ
ﭨ
Miyaannaan Dhulka gogol ka yeelin. (6)
Verse 7
ﭩﭪ
ﭫ
Buurahana Rukummo (ka yeelin). (7)
Verse 8
ﭬﭭ
ﭮ
Miyannaan idinka Abuurina Noocyo. (8)
Verse 9
ﭯﭰﭱ
ﭲ
Miyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin. (9)
Verse 10
ﭳﭴﭵ
ﭶ
Miyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin. (10)
Verse 11
ﭷﭸﭹ
ﭺ
Miyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin. (11)
Verse 12
ﭻﭼﭽﭾ
ﭿ
Korkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh. (12)
Verse 13
ﮀﮁﮂ
ﮃ
Miyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda). (13)
Verse 14
ﮄﮅﮆﮇﮈ
ﮉ
Waxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan. (14)
Verse 15
ﮊﮋﮌﮍ
ﮎ
Si aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq. (15)
Verse 16
ﮏﮐ
ﮑ
Iyo Beero kulansan (badan). (16)
Verse 17
ﮒﮓﮔﮕﮖ
ﮗ
Maalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an. (17)
Verse 18
ﮘﮙﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Waana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo. (18)
Verse 19
ﮟﮠﮡﮢ
ﮣ
Samadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo. (19)
Verse 20
ﮤﮥﮦﮧ
ﮨ
Buurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed. (20)
Verse 21
ﮩﮪﮫﮬ
ﮭ
Naarta Jahannamana waxay u darbantahay. (21)
Verse 22
ﮮﮯ
ﮰ
(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan. (22)
Verse 23
ﮱﯓﯔ
ﯕ
Waxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin. (23)
Verse 24
ﯖﯗﯘﯙﯚﯛ
ﯜ
Mana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna. (24)
Verse 25
ﯝﯞﯟ
ﯠ
Waxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka). (25)
Verse 26
ﯡﯢ
ﯣ
Waxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii. (26)
Verse 27
ﯤﯥﯦﯧﯨ
ﯩ
Waxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab. (27)
Verse 28
ﯪﯫﯬ
ﯭ
Waxayna beeniyeen Aayaadkannaga. (28)
Verse 29
ﯮﯯﯰﯱ
ﯲ
Wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab. (29)
Verse 30
ﯳﯴﯵﯶﯷ
ﯸ
Ee dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee. (30)
Verse 31
ﭑﭒﭓ
ﭔ
Kuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan. (31)
Verse 32
ﭕﭖ
ﭗ
Beero iyo Cinabyana way heli. (32)
Verse 33
ﭘﭙ
ﭚ
Waxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg. (33)
Verse 34
ﭛﭜ
ﭝ
Waxayna heli Cabbid wanaagsan. (34)
Verse 35
ﭞﭟﭠﭡﭢﭣ
ﭤ
Jannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna. (35)
Verse 36
ﭥﭦﭧﭨﭩ
ﭪ
Waa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan. (36)
Verse 37
Eebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada). (37)
Verse 38
Maalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla. (38)
Verse 39
Maalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto. (39)
Verse 40
Waxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo. (40)
تقدم القراءة