ترجمة سورة الهمزة

الترجمة الصومالية
ترجمة معاني سورة الهمزة باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية .
من تأليف: الشيخ محمد أحمد عبدي .

Halaag Wuxuu u Sugnaaday xanle wax ceebeya oo Dhan, (1)
Oo Xoolaha kulmiya (xaqana ku bixinin). (2)
Ma wuxuu malayn in xoolihiisu waarin. (3)
Saas ma aha ee waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudhama. (4)
Ma taqaannaa Xudhama( Tii Wax burburinaysay). (5)
Waa Naarta Eebe ee la huriyay. (6)
Gubaysana Quluubta (Kulayl dartiis). (7)
Waana lagu dabooli Naartaas Gaalada. (8)
Tiraar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda. (9)
Icon