ترجمة معاني سورة ق باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
ﰡ
آية رقم 1
ﭑﭒﭓﭔ
ﭕ
Eebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin). (1)
آية رقم 2
Waxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh. (2)
آية رقم 3
Ma markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog. (3)
آية رقم 4
Waan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan. (4)
آية رقم 5
Waxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan. (5)
آية رقم 6
Miyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn. (6)
آية رقم 7
Dhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan. (7)
آية رقم 8
ﮙﮚﮛﮜﮝ
ﮞ
Inay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah. (8)
آية رقم 9
Waxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta, (9)
آية رقم 10
ﮪﮫﮬﮭﮮ
ﮯ
Iyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran. (10)
آية رقم 11
Si Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay. (11)
آية رقم 12
Kuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud. (12)
آية رقم 13
ﯤﯥﯦﯧ
ﯨ
Iyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii). (13)
آية رقم 14
Iyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii). (14)
آية رقم 15
Ma waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta). (15)
آية رقم 16
Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta. (16)
آية رقم 17
Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida. (17)
آية رقم 18
Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori). (18)
آية رقم 19
Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay. (19)
آية رقم 20
Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan). (20)
آية رقم 21
ﮆﮇﮈﮉﮊﮋ
ﮌ
Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi. (21)
آية رقم 22
Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen arintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay. (22)
آية رقم 23
ﮚﮛﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray). (23)
آية رقم 24
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jahannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis. (24)
آية رقم 25
ﮨﮩﮪﮫ
ﮬ
Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah. (25)
آية رقم 26
Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran. (26)
آية رقم 27
Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa. (27)
آية رقم 28
Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii. (28)
آية رقم 29
Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada. (29)
آية رقم 30
Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin. (30)
آية رقم 31
ﰁﰂﰃﰄﰅ
ﰆ
Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn. (31)
آية رقم 32
ﰇﰈﰉﰊﰋﰌ
ﰍ
Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka). (32)
آية رقم 33
Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan. (33)
آية رقم 34
ﰖﰗﰘﰙﰚﰛ
ﰜ
Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee. (34)
آية رقم 35
ﰝﰞﰟﰠﰡﰢ
ﰣ
Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado. (35)
آية رقم 36
Imisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto. (36)
آية رقم 37
Waxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo. (37)
آية رقم 38
Dhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin. (38)
آية رقم 39
Ku samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor. (39)
آية رقم 40
ﮊﮋﮌﮍﮎ
ﮏ
Habeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed. (40)
آية رقم 41
Dhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw. (41)
آية رقم 42
Waa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda. (42)
آية رقم 43
ﮡﮢﮣﮤﮥﮦ
ﮧ
Annagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan. (43)
آية رقم 44
Maalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud. (44)
آية رقم 45
Annagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi. (45)
تقدم القراءة