ترجمة معاني سورة الأنبياء باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
ﰡ
آية رقم 1
Xisaabtoodii iyagoo Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan. (1)
آية رقم 2
Quraankastee oo uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari. (2)
آية رقم 3
Oy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo Arka. (3)
آية رقم 4
Wuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah. (4)
آية رقم 5
Waxay Dheheen (Gaaladii) Saas ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore. (5)
آية رقم 6
Mayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn. (6)
آية رقم 7
Maanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn. (7)
آية رقم 8
Kamaanaan Dhigin (Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno mana ahayn kuwo Waara. (8)
آية رقم 9
Markaasna waxaan u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay Xadgudbayaasha. (9)
آية رقم 10
Waxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn. (10)
آية رقم 11
Badanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale. (11)
آية رقم 12
Markay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari. (12)
آية رقم 13
Ha Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u Dhawdahay in wax laydin warsadee. (13)
آية رقم 14
ﭯﭰﭱﭲﭳ
ﭴ
Waxay Dhaheen Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin. (14)
آية رقم 15
Saasna kuma tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya. (15)
آية رقم 16
Maanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya Anagoo Ciyaari. (16)
آية رقم 17
Haddaan Doono Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno. (17)
آية رقم 18
Xaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan. (18)
آية رقم 19
Ilaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan. (19)
آية رقم 20
ﮰﮱﯓﯔﯕ
ﯖ
wayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan. (20)
آية رقم 21
Mise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya. (21)
آية رقم 22
Hadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami. (22)
آية رقم 23
ﯮﯯﯰﯱﯲﯳ
ﯴ
Lama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan. (23)
آية رقم 24
Mise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan. (24)
آية رقم 25
Rasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda. (25
آية رقم 26
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo. (26)
آية رقم 27
ﭬﭭﭮﭯﭰﭱ
ﭲ
kagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan. (27)
آية رقم 28
wuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan. (28)
آية رقم 29
ruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta. (29)
آية رقم 30
miyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn. (30)
آية رقم 31
waxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan. (31)
آية رقم 32
waxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan. (32)
آية رقم 33
Eebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan. (33)
آية رقم 34
maanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu). (34)
آية رقم 35
Naf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin. (35)
آية رقم 36
markay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana. (36)
آية رقم 37
waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina. (37)
آية رقم 38
waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan. (38)
آية رقم 39
hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen). (39)
آية رقم 40
waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo. (40)
آية رقم 41
waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen. (41)
آية رقم 42
waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood. (42)
آية رقم 43
ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo. (43)
آية رقم 44
Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag. (44)
آية رقم 45
Waxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi. (45)
آية رقم 46
Hadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,. (46)
آية رقم 47
Waxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye. (47)
آية رقم 48
Dhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada. (48)
آية رقم 49
Oo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan. (49)
آية رقم 50
Kan (Quraankuna) waa Quraan la Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga. (50)
آية رقم 51
Dhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn. (51)
آية رقم 52
Markuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan). (52)
آية رقم 53
ﯔﯕﯖﯗﯘ
ﯙ
waxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi. (53)
آية رقم 54
Wuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad. (54)
آية رقم 55
Waxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa Ciyaari. (55)
آية رقم 56
Wuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka Marag Kici. (56)
آية رقم 57
Eebaan ku Dhaartayc waan Dhagri Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi. (57)
آية رقم 58
Wuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu). (58)
آية رقم 59
waxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi waa Daalime. (59)
آية رقم 60
Waxayna Dheheen Waxaan Maqallay Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim. (60)
آية رقم 61
Waxay Dheheen keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan. (61)
آية رقم 62
ﭴﭵﭶﭷﭸﭹ
ﭺ
waxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow. (62)
آية رقم 63
Wuxuu Yidhi waxaa Falay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Hadday Hadli. (63)
آية رقم 64
Markaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina. (64)
آية رقم 65
Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn. (65)
آية رقم 66
Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn. (66)
آية رقم 67
Ufbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn. (67)
آية رقم 68
Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan. (68)
آية رقم 69
Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim. (69)
آية رقم 70
ﯟﯠﯡﯢﯣ
ﯤ
Waxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray. (70)
آية رقم 71
Waannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam). (71)
آية رقم 72
Waxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban. (72)
آية رقم 73
Waxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda. (73)
آية رقم 74
(Nabi) Luudhna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina. (74)
آية رقم 75
Waxaana Galinay Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban. (75)
آية رقم 76
(Nabi) Nuuxna waa Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo Ehelkiisaba Murugadii Waynayd. (76)
آية رقم 77
Waana uga Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana Maanshaynay Dhammaantood. (77)
آية رقم 78
Xusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka). (78)
آية رقم 79
Waxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana Fallaa «karraa». (79)
آية رقم 80
Waxaana Barray Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo Mahadin. (80)
آية رقم 81
Suleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og. (81)
آية رقم 82
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna. (82)
آية رقم 83
(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane. (83)
آية رقم 84
Waana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka. (84)
آية رقم 85
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra. (85)
آية رقم 86
Waxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban. (86)
آية رقم 87
Nabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah. (87)
آية رقم 88
Waana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta. (88)
آية رقم 89
Zakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee». (89)
آية رقم 90
Waana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca. (90)
آية رقم 91
Tiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka. (91)
آية رقم 92
Tani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda. (92)
آية رقم 93
waxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin. (93)
آية رقم 94
Ruuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa. (94)
آية رقم 95
Waxaa ka Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor». (95)
آية رقم 96
Inta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi. (96)
آية رقم 97
Waxaa Dhawaaday Yaboohii Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan Waxaanse ahayn Daalimiin. (97)
آية رقم 98
Idinka iyo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku Arooraysaan. (98)
آية رقم 99
Hadday Yihiin kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari. (99)
آية رقم 100
waxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan. (100)
آية رقم 101
kuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda waa laga Fogayn. (101)
آية رقم 102
mana Maqlaan Shanqadteeda iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari. (102)
آية رقم 103
mana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay. (103)
آية رقم 104
waana Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah, annagaana Falna saas. (104)
آية رقم 105
Dhab ahaan waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban. (105)
آية رقم 106
ﮉﮊﮋﮌﮍﮎ
ﮏ
kan Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe). (106)
آية رقم 107
ﮐﮑﮒﮓﮔ
ﮕ
kumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee. (107)
آية رقم 108
Waxaad Dhahdaa waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan). (108)
آية رقم 109
Haddayse Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin Yaboohay. (109)
آية رقم 110
Eebe wuxuu Ogyahay waxa lala Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan. (110)
آية رقم 111
Mana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo. (111)
آية رقم 112
Wuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto waxaad sheegaysaan. (112)
تقدم القراءة