ترجمة معاني سورة لقمان باللغة الصومالية من كتاب الترجمة الصومالية
محمد أحمد عبدي
ﰡ
آية رقم 1
ﭑ
ﭒ
waxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida soo hormartay). (1)
آية رقم 2
ﭓﭔﭕﭖ
ﭗ
tan waa aayaadka Kitaabka (Quraanka) xigmada leh. (2)
آية رقم 3
ﭘﭙﭚ
ﭛ
waana hanuunka iyo naxariista samalfalayaasha. (3)
آية رقم 4
kuwa salaadda ooga, Zakadana bixiya, iyagoo aakhiro yaqiinsan. (4)
آية رقم 5
kuwaasi waxay ku suganyihiin hanuun Eebe, kuwaasina waa kuwa liibaanay. (5)
آية رقم 6
Dadka waxaa ka mid ah kuwo gadan hadal wax shuqliya si uu uga dhumiyo (Dadka) Jidka Eebe iyagoon wax ogayn, Jidka Eebene ku Jees jeesa, kuwaasi waxay mudan Cadaab Dulleeya. (6)
آية رقم 7
marka lagu akhriyo aayadkanaga wuu jeedsadaa isagoo iskibrin, sidii isagoon maqal, oo dhagihiisu culusyihiin, ugu bishaaree Cadaab daran. (7)
آية رقم 8
kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay mudan Janatu Naciima. (8)
آية رقم 9
iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Eebe oo xaq ah, Eebana waa adkaade falsan. (9)
آية رقم 10
isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray Buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan. (10)
آية رقم 11
kaasi waa abuurkii Eebe, ee i tusiya waxay abuureen kuwa ka soo hadhay Eebe, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku suganyihiin baadi Cad. (11)
آية رقم 12
dhab ayaan luqmaan u siinay Xigmad iyo inuu Eebe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay waana amaananyahay. (12)
آية رقم 13
(xusuuso) markuu ku yidhi Luqmaan Wiilkiisa isagoo waanin Wiilkayow Eebe hawshariigyeelin, shirkigu waa dulmi weyne. (13)
آية رقم 14
waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way sidday Hooyadis iyadoo tabaryar tabar yari kalana ku sugan, Gudhidiisuna waa Labo sano ee ku mahadi ani iyo Labadaadii Waalid, xagaygaana loo ahaan. (14)
آية رقم 15
hadday kugula dadaalaan (Labada waalid) inaad ii shariig yeesho (ila wadaajiso) waxaadan aqoon u lahayn ha ku adeecin kulana noolow adduunka si fiican, raacna Jidka kuwa ii noqda, xagayga yaa laydiin soo celin waxaana idiinka warami waxaad camalfali jirteen. (15)
آية رقم 16
Wiilkayow hadday xumaantu tahay Xabbad Khardal ah oo kale (wax yar) oo sallax dhexdii ku sugnaato ama samooyinka dhexdooda ama Dhulka dhexdiisa wuu keeni Eebe, Eebana waa Dhimriye xeeldheer. (16)
آية رقم 17
Wiilkayow oog Salaadda, oo far waanaagga oo reeb waxa lanaco kuna Samir waxa ku gaadha, arrintaasu waxay ka midtahay umuuraha wanaagsane. (17)
آية رقم 18
hana ka jeedin Wajiga dadka hana ugu socon dhulka kibir, Eebana ma jeela mid kastoo isla weyn oo faanbadane. (18)
آية رقم 19
socodkaagana ku dhexdhexayso, hoosna u dhig Codkaaga, Cod waxaa ugu xun Codka Dameerahee. (19)
آية رقم 20
miyeydaan arkayn in Eebe idiin sakhiray waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan Kuna shubay korkiina nicmooyinkiisa muuqda iyo kuwa qarsoonba, Dadkana waxaa ka mid ah kuwo Eebe ku murmi Cilmi iyo hanuun iyo Kitaab nuuriya la'aantiis. (20)
آية رقم 21
marka loodhaho raaca waxa Eebe soo dajiyeyna waxay dhahaan waxaannu raaci waxaan ka helay Aabayaalkanno, haduu Shaydaan ugu yeedho Cadaabka Saciirana (miyey raaci). (21)
آية رقم 22
ruuxii u jeediya Wajigiisa xagga Eebe isagoo samo fali wuxuu qabsaday guntin (Ballan adag), xagga Eebaana waxaa u noqon arin oo dhan cidhibteeda. (22)
آية رقم 23
Ciddiise Gaalowda yuuna ku walbahaar galin Gaalimadiisu, xagganagay u soo noqon waxaana uga warramaynaa waxay camalfali jireen, illeen Eebaa og waxa laabta ku sugane. (23)
آية رقم 24
waanu u raaxayn wax yar, markaasaannu u dhibaatayn (u iili) Cadaab adag. (24)
آية رقم 25
haddaad waydiisid yaa abuuray samooyinka iyo dhulka waxay odhan ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, badankoodse ma oga. (25)
آية رقم 26
Eebaa iska leh waxa samooyinka iyo Dhulka ku sugan, Eebana waa hodan amaanan. (26)
آية رقم 27
hadday waxa dhulka ku sugan oo geeda ah Qalimo noqdaan Badduna khadayso oo gadaasheeda Todobo badood yihiin madhamaateen Kalimooyinka Eebe, Eebana waa adkaade falsan. (27)
آية رقم 28
abuurkiinna iyo soobixintiinu ma aha sida Nafkaliya mooyee (Fudaydka), Eebana waa maqle arke ah. (28)
آية رقم 29
miyeydaan ogayn in Eebe Habeenka dhex galiyo Maalinta, Maalintana dhexgaliyo Habeenka sakhirayna Qoraxda iyo Dayaxa mid, kastana uu u socdo muddo magacaaban, Eebana waxaad Camalfalaysaan waa ogyahay. (29)
آية رقم 30
Taasna wa in Eebe xaq yahay waxay caabudi ee ka soohadhayna baadil yahay iyo in Eebe yahay Sareeye wayn. (30)
آية رقم 31
miyeydaan ogayn in Doontu dhexsocoto Badda Nicmada Eebe darteed si uu idiin tusiyo aayaadkiisa, arrintaasna aayaadbaa ugu sugan Samirbadane shugri badan oo dhan. (31)
آية رقم 32
marka hirku daboolo dadka oo Hoos la moodo waxay baryaan Eebe iyagoo u kali yeeli Diinta (Cibaadada) markuu u koriyo xagga Barrigana waxaa ka mid noqon Dadka mid dhexdexeysan, mana diido aayadkanaga mid khaa'in ah oo gaalimo badan mooyee. (32)
آية رقم 33
Dadow ka dhawrsada Eebihiin oo ka Cabsada Maalin uusan ka abaalmarinayn Waalid Ilmihiisa, Ilmuhuna Waalidka waxba, yabooha Eebana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebe dhagar badane (shaydaan). (33)
آية رقم 34
Eebe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer. (34)
تقدم القراءة