ترجمة معاني سورة الجن باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ﰡ
آية رقم 1
Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh.
آية رقم 2
Oo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro.
آية رقم 3
Waxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.
آية رقم 4
Waxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe.
آية رقم 5
Waxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin.
آية رقم 6
Waxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub).
آية رقم 7
Waxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna.
آية رقم 8
Waxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo.
آية رقم 9
Waxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi».
آية رقم 10
Mana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr).
آية رقم 11
Waxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.
آية رقم 12
Waxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid.
آية رقم 13
Markaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna.
آية رقم 14
Waxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun.
آية رقم 15
ﭝﭞﭟﭠﭡ
ﭢ
Kuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo.
آية رقم 16
Hadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan.
آية رقم 17
Imtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran.
آية رقم 18
Masaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale.
آية رقم 19
Markuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan.
آية رقم 20
Waxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna.
آية رقم 21
Waxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna.
آية رقم 22
Waxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo.
آية رقم 23
Hase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda.
آية رقم 24
Markay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay.
آية رقم 25
Waxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli.
آية رقم 26
Eebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna.
آية رقم 27
Marka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin.
آية رقم 28
Si Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.
تقدم القراءة