ترجمة سورة النازعات

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة النازعات باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Eebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).

Iyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).

Iyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).

Iyo tan u orotanta wanaagga.

Iyo kuwa Maamula amarka (Eebe).

Maalinta ay gilgilan afuufka (hore).

Oyna raaci tii dambe (waa sugantahay).

Qalbiyaduna Maalintaa way cabsan.

Araggeeduna wuu dullaysnaan.

Waxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).

Markaan noqonno Lafo duugoobay.

Waxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.

Waa uun Hal Qaylo kaliya.

Dadkuna markaas ay Dhulka kor iman.

Ma ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.

Markii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.

Kuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.

Oo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.

Oon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.

Wuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.

Wuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).

Wuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.

Wuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.

Isagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.

Markaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.

Arrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.

Ma idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.

Korna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.

Habeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).

Dhulkana markaas ka dib fidiyay.

Biyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.

Buurahana sugay.

Si aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.

Markay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).

Maalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.

Naarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.

Ruuxiise xadgudba.

Nolosha Adduunyana doorta.

Wuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.

Ruuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).

Wuxuu u dheelman Janno.

Waxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.

Maxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.

Eebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.

Adugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.

Waxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).
Icon