ترجمة سورة الغاشية

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة الغاشية باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Ma ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.

Wajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.

Waxayna qaban Shaqo dhib ah.

Waxayna gali Naar kulul.

Waxaana laga waraabin il kulayl daran.

Wax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).

Taasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.

Wajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).

Waxayna ka raalli noqotay camalkeedii.

Janno sarana way gali.

Kumana maqasho Jannada hadal macna darro.

Waxaana ah dhexdeed il socota.

iyo Sariiro la koryeelay.

Iyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).

Iyo Barkimooyin la safay.

Iyo gogol la fidiyay.

Miyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.

Iyo sida Samada loo koryeelay.

Iyo sida Ruuraha loo taagay,

Iyo sida dhulka loo fidiyay.

Ee Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).

Mana tihid mid xoog ku leh (qasab).

Hase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).

Eebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.

Xagganagayna u soo noqon (khalqigu).

Annagaana xisaabin.
Icon