ترجمة سورة التكوير

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة التكوير باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Marka qorraxda la duubo (Qiyaamada).

Xiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).

Buurahana la kexeeyo (La rujiyo).

Geelii rimmanaana la halleeyo.

Dugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).

Badahana la kululeeyo.

Naf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.

Gabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.

Maxaa dambi ah oo loo dilay.

Kutubta (camalkana) la fidiyo.

Samadana la rujiyo.

Naarta Jaxiimana la huriyo.

Jannadana la dhaweeyo.

Waxay ogaan nafu waxay camal fashay.

Waxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).

Ee socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.

Iyo Habecnku markuu jeedsado.

Iyo subaxu markuu soo qaabilo.

Ee Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.

Xoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.

Laguna addeeco halkaas aaminna ah.

Saaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.

Horaybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).

Nabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.

Qaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.

Ee xaggeed Gaalooy aadaysaan.

Quraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).

Ruuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).

Waxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.
Icon