ترجمة معاني سورة المزّمّل باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ﰡ
آية رقم 1
ﭑﭒ
ﭓ
(Nabiga) Isduuduubayow.
آية رقم 2
ﭔﭕﭖﭗ
ﭘ
Istaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee.
آية رقم 3
ﭙﭚﭛﭜﭝ
ﭞ
Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
آية رقم 4
ﭟﭠﭡﭢﭣﭤ
ﭥ
Ama ka badi, Quraanku u akhri si fiican.
آية رقم 5
ﭦﭧﭨﭩﭪ
ﭫ
Annagaa Kugu Dakin Hadal Culus (wayne).
آية رقم 6
Habeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan.
آية رقم 7
ﭵﭶﭷﭸﭹﭺ
ﭻ
Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer.
آية رقم 8
ﭼﭽﭾﭿﮀﮁ
ﮂ
Magaca Eebana xus cibaadadiisana u go'.
آية رقم 9
Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado).
آية رقم 10
kuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag).
آية رقم 11
ﮕﮖﮗﮘﮙﮚ
ﮛ
Isu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug.
آية رقم 12
ﮜﮝﮞﮟ
ﮠ
Agtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo.
آية رقم 13
ﮡﮢﮣﮤﮥ
ﮦ
Iyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran.
آية رقم 14
(waxay ku dhiei Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda.
آية رقم 15
Annagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul.
آية رقم 16
ﯝﯞﯟﯠﯡﯢ
ﯣ
Fircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran.
آية رقم 17
Ee seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan.
آية رقم 18
Samaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici.
آية رقم 19
Aayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho.
آية رقم 20
Eebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste.
تقدم القراءة