ترجمة سورة الهمزة

Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation
ترجمة معاني سورة الهمزة باللغة الصومالية من كتاب Mahmud Muhammad Abduh - Somali translation .


Halaag Wuxuu u Sugnaaday xanle wax ceebeya oo Dhan,

Oo Xoolaha kulmiya (xaqana ku bixinin).

Ma wuxuu malayn in xoolihiisu waarin.

Saas ma aha ee waxaa lagu tuuri (Naarta) Xudhama.

Ma taqaannaa Xudhama.

Waa Naarta Eebe ee la huriyay.

Gubaysana Quluubta (Kulayl dartiis).

Waana lagu dabooli Naartaas Gaalada.

Tiraar la fidiyay yayna ahaan dhexdeeda.
Icon